BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

10 Ruux oo ku dhintay shil doon oo ka dhacay Biyaha Webiga Shabeelle

Shabeelle(Berberanews)-Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux ku geeriyoodeen Doon ku qalibantay biyaha Wabiga Shabeelle, taa oo ku sii jeeday qeybo ka mid ah isla gobolka Sh/Hoose.

Doontan ayaa siday badeeco kala duwan oo lagu waday qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana la sheegay in ay degtay xili ay mareysay deegaan lagu magacaabo Raqeyle.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Doonidan oo sarnaayeen ku dhawaad 20 ruux laga war helay gaarida 7 ruux oo isugu jiray Hooyo, Afar caruur ah oo ay dhashay iyo laba qof oo kale.

Waa markii ugu horeysay oo tiro dad intaa la eg ay ku geeriyoodaan Doon ku degtay biyaha Wabiga Shabeellaha, iyadoo sababta Doonta ugu safartay Wabiga lagu micneeyay jidadka gobolka qeybo ka mid ah u kala xiran ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Xigasho Hiiraan

Share Button
Please follow and like us:
0