Dowladda Yemen oo xaqiijisay in ruux soomaali ah uu isku qarxiyay sarkaal Salem Ali.
Yemen (Berberanews ):- Wasaaradda arrimaha gudaha Yemen ayaa shaaca ka qaaday in weerarkii shalay ee lagu khaarajiyay sarkaalkii hogaaminayay howlgalka ka dhanka ah Al-Qaacidda ee dalka Yemen General Salem Ali Qoton uu ka dambeeyay ruux soomaali ah oo xidhiidh la leh al-Qaacidada garabka Yemen.
Weerarka lagu dilay General Salem Ali Qoton ayay dowladdu ku macneysay mid ay ku aar-gudanayaan kooxda Al-Qaacidda ee Yemen kuwaas oo maalmihii u dambeeyay dagaallo culus la galeen ciidamada Yemen, dhulna ka qabsadeen.
General Salem Ali ayaa la beegsaday xilli uu gurigiisa oo Cadan ku yaala ka soo baxay oo uu fuulay gaadhigiisa, isagoona ku sii jeeday goobtiisa shaqo.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay oo dowladda Yemen shaaciso in ruux soomaali ah uu weerar ismiidaamin ah ka fuliyo gudaha wadanka Yemen.
Kooxda Al-Shabaab ee iyana xidhiidhka la leh Al-Qaacidda ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay in ay dagaalyahanno u dirtay kooxaha ka dagaalama Yemen.


Berberanews.com
Hargaysa/Somaliland
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17535




-
Designed by