|

20 ay Weriyeyaal ku jiraan oo ku dhintay qaraxyo Muqdisho ka dhacay, inta ku dhaawacantay iyo Madaxweynaha oo ka hadlay

Custom Search

 

Muqdisho-(Berberanews)- Laba qarax oo lala eegtay meel Maqaayad ah oo ku taalla magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan labaatan qof, inta illaa hadda la ogyahay, in soddon ka badanina way ku dhaawacmeen.

Waxaa dadka ku dhintay ku jira saddex Weriye, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen in ka badan soddon qof oo ay Weriyayaal kale ku jiraan. Agaasimaha raadiyo Kulmiye, Cismaan Cabdullaahi Guure, oo ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee goobta qaraxa tagay.

Cismaan, ayaa sheegay in markii uu goobta tagay uu halkaas ugu tagay burbur baaxad leh iyo meyd goobta daadsan oo ay ku jireen qaar uu xubnahoodu, wuxuu ka warramay wixii uu arkay markii uu gaaray maqaayadda qaraxu ka dhacay.

Qaraxyadaas waxaa si xoog leh loo cambaareeyay. Waxaa kaloo ka hadlay oo weerarka, isla markaana si kulul u cambaareeyay Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya, Ururrada Saxaafadda iyo kuwa Bulshadaba, Xuquuqda Aadamaha iyo dawladaha caalamka qaarkood.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay maqaayad shaaha lagu cabo oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay kuwo fulaynimo ah oo lagu dilay dad aan waxba galabsan.

Shir jaraa’id oo uu madaxweynuhu ku qabtay madaxtooyada ayuu ku sheegay in qaraxyadaas aysan ka leexin doonin dowladda hadafka ay ku doonayso inay dalka ku gaarsiiso nabad iyo horumar. “In dad shaah cabaya oo sheekeysanaya la dilo waa arrin aad looga naxo oo dambi weyn ah, waxaana shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa dadkii weerarkaas ku dhintay. Qaraxyadan maahan kuwo ka hor-joogsan kara ummaddan inay nabad hesho, dadka la dilayo ama la dhaawacayana waa kuwo aan waxba galabsan.”

Waxa kale oo uu Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya sheegay in dadkii ku dhaawacmay uu u rejeynayo caafimaad deg-deg ah, intii ku dhimatayna naxariistii Janno ka waraabiyo, isagoo sheegay in ficilladan oo kale aanay dowladda ka leexin doonin hadfkeedii ahaa inay dalkan ku hoggaamiso nabad iyo dowladnimo.

Waxaanu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii watay; “Waxaan u arkaa ragga qaraxyadaas sameynaya kuwo uu ka dhammaaday macaamil kasta oo wanaagsan. Siyaasadda dalkana waxba kama bedelayaan qaraxyadan, balse iyaga uun baa ku dhammaanaya dad shacab ahna way dhammeynayaan.”

Qaraxyadan khasaaraha geystay ee fiidkii xalay ka dhacay Muqdisho oo ay dawladda Soomaaliya ku eedaysay Malleeshiyada nabad-diidka ah ee Al-Shabaab oo ka tirsan Shabakadda argaggixisada caalamiga ah ee Al-Qaacida, hase-yeeshee ma jirto cid illaa hadda sheegatay masuuliyadda qaraxyadaas.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

 

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=20832

Posted by on Sep 21 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta