|

20 bilood ka hor Lamaane la’afduubtay oo Xoriyadoodii dib Loogu Soo Celiyey.

Custom Search

Muqdisho(Berberanews)-: Lamaane u dhashay wadanka Koonfur Afrika oo u Afduubnaa Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida in ka badan 20 bilood ayaa la siidaayey, sida uu warbaahinta maanta u xaqiijiyey Wasiirka Difaaca Xukuumadda KMG Soomaaliya.

Waa la haystayaashii ugu wakhtiga dheeraa oo ay haysteen ama u afduubnaa Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.

Deborah Calitz iyo Bruno Pelizzari ee ah la haystayaasha la sii daayey ayaa iyagoo dhoola cadaynaya ayaa ka muuqday Shir jaraa’id oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

“Aad ayaan ugu faraxsannahay inaan xoriyaddeena dib u helno” ayuu si layaab ka muuqdo u yidhi Calitz isagoo intaa raaciyey “Aad ayaan ugu faraxsannahay maanta inaan dib ugu laabano reerahayagii”.
Labadna lammaane oo la afduubtay October 2010 iyagoo doon raaxada kumarayay Xeebaha Dalka Tanzaania ayaa la dul dhigay lacag madax furasho oo dhan $10 milyan oo dollar.

Wasiirka Difaaca Xukuumadda KMG Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Soomaalida ay sii daayeen labadan lamaane ee u dhashay Wadanka Koonfur Afrika, ma cadayn in la haystayaashan lagu daayey Madaxfurasho.
Waa la haystayaashii ugu horeeyey oo u dhashay Koonfur Afrika oo wakhti dhan 20 bilood ay haystaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida tan iyo markii ay bilaabeen inay weeraraan maraakiibta sanadkii 2005, markaasoo ay weerareen markab Konteenarro siday.

Ciidamada Midowga Yurub waxa ay leeyihiin kooxaha burcad badeeda waxaa u afduuban todobo Markab iyo 213 la haystayaal ah, sidoo kale waxay sheegeen in sanadkii la soo dhaafay la afduubtay 25 markab, iyadoo sanadkan 2012 kaliya ay warbixintu sheegeyso in la afduubtay shan Markab.

Berberanews.com

Hargaysa/Somaliland

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17555

Posted by on Jun 21 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta