|

Abaaro ba’an oo ku sii baahaya Somaliland iyo Baaq Gurmad-raadin ah oo ka soo yeedhay Xildhibaanno ka Tirsan Guurtida iyo Wakiillada

Custom Search

Hargeysa-(Berberanews)- Qaylo-dhaanta Abaaraha ku sii fidayey deegaannada kala duwan ee Somaliland, gaar ahaan gobollada Galbeedka dalka ayaa sii kordhaysa, iyada oo ay jiraan deegaanno badan oo kale oo ay abaaruhu si ba’an u saameeyeen, isla markaana dhawaaqyo gurmad loogu raadinayo dadka iyo duunyada ku dhaqan meelaha ay abaartu haleeshay ku soo noqnoqonayso qaybaha Warbaahinta.

Haddaba, iyada oo ay xaaladda Abaartu ku sii baahayso qaybo badan oo ka mid ah dalka Somaliland, ayaa Xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland oo ka soo jeeda gobolka Selal ee Galbeedka dalka, waxay si adag uga dayriyeen abaar daran oo ay sheegeen inay ku habsatay, isla markaana ku sii fidayso deegaannada gobolkaas.

Waxaanay Mudanayaashani ugu baaqeen dawladda Somaliland, Hay’adaha Samafalka, kuwa Qaramada Midoobay, Ururrada iyo Hay’adaha waddaniga ah, Ganacsatada iyo Qurbo-joogga reer Somaliland inay gurmad deg-deg ah iyo taakulooyin u fidiyaan dadka ku dhaqan deegaannada ay abaarta ba’ani ka jirto ee gobolka Selal. Xildhibaannadani waxay sidaa ku sheegeen shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Caasimadda Hargeysa.

Xildhibaan Jirde Daahir Maxamuud oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo ugu horreyn Shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in abaar halis badani ka taagan tahay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Selal, taasoo uu xusay inay guud ahaan saamaysay gobolkaas, isla markaana dad iyo duunyaba khatar badan ku hayso.

Xildhibaan Jirde oo faahfaahinaya heerka abaarta waxa uu yidhi; “Waxaan leeyahay dhammaan deegaamada gobolka Salal oo dhan abaartu waa mid saamaysay, waxaanu ku baaqaynaa dadkaasi abaartu hayso in loo sameeyo gurmad caalamiya, mid qaran iyo mid qurbo-joogba in loo gurmado. Waa dad dhibaataysan ee waxaan u soo jeedinaynaynaa in dadkaasi loo gargaaro. Dhibaatadii abaartu way sii xoogaysatay oo xataa dhimasho ayaa imika la soo sheegayaa markaa waxaan Ganacsatada, dadweynaha iyo qurbo jooga Somaliland u soo jeedinaynaa inay dadkaasi u gurmadaan.”

Sidoo kale, Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka mid Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee gobolkaa laga soo doortay, oo isaguna shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ugu hambalyeynayo baaq uu bishan ka soo saaray xaaladda abaareed ee dalka ka taagan. Waxaanu u mahad-celiyey cid kasta oo gacan ka geysatay gargaarka loo fidinayo dadka ku dhaqan deegaannada ay abaaruhu ka jiraan.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamuud Xirsi, Xildhibaan Maxamuud Cali Xaaji Xasan iyo Xildhibaan Axmed Waaberi Maydhane oo ka wada tirsan Golaha Guurtida Somaliland kana soo jeeda gobolka Selal, waxaanay dhammaantood si isku mid ah uga hadleen xaaladda abaareed ee Selal ka taagan, isla markaana waxay ugu baaqeen dawladda Somaliland, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Hay’adaha Sama-falka ee caalamiga ah, Ururrada Waddaniga ah Qurbo-joogga iyo Ganacsatada reer Somaliland inay gargaar deg-deg ah ka galaan gurmadka lagu taakulaynayo dadka abaaraha ku tabaaloobay.

Qaylo-dhaanta Abaaraha ayaa ka soo yeedhaya meelo badan oo ka tirsan dalka Somaliland, isla markaana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa taddobaad ka hor ugu baaqay Dawladaha dunida, Hay’adaha Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, kuwa Sama-falka, Ganacsatada, Ururrada Bulshada rayidka ah iyo Qurbo-joogga reer Somaliland-ba inay u soo gurmadaan dadka ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka abaaraha ba’ani ka jiraan ee Somaliland, waxaanay abaartani saamaysay xoolihii ay dadku haysteen oo meelaha qaarkood ku le’day ama ku dhammaaday-ba.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17992

Posted by on Jun 30 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta