BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

Abwaan Weedhsame oo dalka dub ugu soo laabtay ka dib socdaal uu Yurub ku tegay

Hargeysa (Berberanews) Waxa maanta dalka dib ugu soo laabtay abwaan Xasan Daahir (Weedh-same) oo in muddo Afar bilood ah safar ugu maqnaa dalka Ingiriiska iyo waliba dalal kale oo qaarada Yurub ka mid ah,waxaana abwaan Weedh-same markii uu ka soo degay madaarka Cigaal ee Hargeysa kaga hortagay suxufiyiin,abwaano iyo sidoo kale bulshada qaybaheeda kala duwan oo halkaas ku soo dhaweeyay.

Soo dhaweynta ka dib ayaa waxa uu abwaanku qolka nasashada ee VIP kula hadlay saxaafadda dalka,waxaana uu uga waramay socdaalkiisii iyo waxyaabaha uu ku soo arkay safarkiisii uu ugu kicitimay dalal ka mid ah qaarada Yurub.

Share Button
Please follow and like us:
0