AFAR CARRUUR AH OO KU DHASHAY CUDURSIDAHA HIV OO LAGA DAAWEEYEY

Afar carruur ah oo ku dhashay cudur-sidaha HIV, ayaa waqtigan laga nadiifiyey jidhkooda si aanu u sababin xannuunka AIDs-ka, taasoo la sheegay in ay hor dhac u noqonayso in lala tacaalo xannuunkan.

Kiiskan oo ka dhacay dalka Kanada, ayaa macluumaadkiisa lagaga doodi doona shirka AIDS-ka ee lagu qaban doono bishan magaalada Melbourne ee dalkaas, kaasoo lagu faahfaahin doono sida loogu guulaysan badbaadinta ubadka yaryar.

Hawshan oo hordhac fiican u noqon doonta daanta iraab daawo ah oo loo heli daawaynta AIDS-ka, taasoo faa’iido u noqon doonta in xannuunkan ay la tacalaan dadka la nool xannuunka HIV iyo joonis cadka (Hepatitis C) amma TB-da, taasoo la rajaynaayo in dalal badan oo caalamka ah ku dhawaqaan olole ka dhan ah la dagaalanka cudurradan, marka si fiican loo shaaciyo iraabkan.

Guddoomiyaha shirka AIDS 2014 Prof. Sharon Lewin, ayaa sheegay in cilmi-baadhista daawadan lagu helay ay noqon doonto mid heer caalami ah oo si rasmi ah loogu dhawaaqo 20-25 July 2014.

 

“Waxay noqon doonta arrin xiiso leh oo Melbourne lagu soo bandhigo, adduunkana wuu la socon doona in kulankan weyn la yeesho si lagaga doodo daawadan cusub, siyaasad iyo tallaabo bulsho oo laga qaadi doono HIV si aanu u sii fidin,” ayuu yidhi Prof. Lewein.

Afartan carruur ah ee u dhashay dalka Kanada oo ay dhaleen hooyooyin HIV/AIDs la nool, waxa dhammaantood la siiyey daawo kala duwan afartii saacadood ee ugu horraysay dhalashadooda, fayraskii jidhkooda ku jirayna aakhirkii waa laga waayey.

Kiisaskan waxay caawinayaan oo ansixinayaan in kiiskii ilmihii yaraa ee u dhashay Mississippi uu ahaa mid dhab ah, laguna guulaysan karo in carruurta laga badbaadiyo fayraska HIV.

Share Button
Please follow and like us:
0



%d bloggers like this: