BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

Afar Qodob Oo Ay Isla Garteen Aqoonyahanada Somaliland Iyo Somalia Ee Turkiga Ku Wada Hadlayay

Turki (Berbera news)  Kulankii u socday aqoonyahano ka kala socday dalalka Somaliland iyo Somaliya ee ku qabsoomay dalka Turkiga, ayaa shalay la soo gunaanaday, waxaana laga soo saaray afar qodob.

1

Kulankan, oo socday laba maalmood waxa dadka ka qayb galay kala hoggaaminayay Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo ah la taliyaha Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland iyo Yuusuf Garaad Cumar, waxaana laga soo saaray afar qodob oo aan saxaafadda loo bandhigin balse uu Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay  helay, waxaana qodobadan ka muuqda in dib loo furo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee hakadka galay.

Afarta qodob oo uu Geeska Afrika ka helay ilo xogogaala, ayaa waxay u dhignaayeen sidan:

  1. In mar labaad la sii wado wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya

  1. In Siminaaro iyo shirar lagaga wada hadlayo dadka Soomaalida ah guud ahaantood iyo khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya oo shirkan lagaga hadlay la sii wado

  1. In hay’adda ?hsan Do?ramac? Peace Foundation ay hoggaamiso doodaha ku saabsan khilaafaadka Somaliland iyo Somaliya. Waa urur madaxbanaan oo Turki ah kana shaqeeya cilmi baadhista iyo Dimuqraaiyada

  1. In si dhakhso ah la isugu yimaado shirkan shirka xiga.

Kulanka u dhexeeyay aqoonyahanka oo shalay loo wareejiyay magaalada Ankara,  ayaa waxa ka soo baxay afartaas qodob mana muuqato inay  Somaliland ku guulaystay mid ka mid ah qodobadii ay in badan ku doodi jiray ee ahaa in wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ay dawlado kale ka qayb galaan, waxaana la aaminsanyahay in Turkiga iyo Somaliya ay diidanyihiin qodobkan oo ka mid ahaa shuruudihii ay Somaliland wada hadalka kaga baxday.

Geesta kale, waxa iyaguna dalka Turkiga jooga Wasiirada arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali shire iyo madaxtooyada Maxamuud Xaashi, waxaana sidoo kale isna dalkaas Turkiga jooga Wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdiraxmaan Odawaa, warar aan la xaqiijinaya waxay sheegayaan inay kulan yeesheen Salaasadii.

Berbera news. Hargeysa

Source Geeska Afrika

Share Button
Please follow and like us:
0