Afhayeenka UDUB Oo Sheegay Inay Kala Saari Doonaan Musharaxa iyo Guddoomiyaha Xisbigooda, Kana Hadlay Khilaafka Ka Oogan Kulmiye
Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in guddida qabanqaabada shirweynaha golaha dhexe ee uu magacaabay gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Shabeel aanay sharciyan waafaqsanayn in golaha dhexe guddi qabanqaabo loo sameeyo, hase yeeshee shirweynaha xisbiga oo kaliya loo sameeyo guddiyo qabanqaabo.
Muj Cali Guray waxa kale oo uu sheegay inay calaamatul su’aal saaran tahay xubnaha golaha Wasiirada ee guddida qabanqaabada loo magacaabay cida ay ka amar qaadan doonaan Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyaha golaha Dhexe ee Kulmiye.
Afhayeenka Xisbiga UDUB Waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi uu shalay la yeeshay Wargeyska Haatuf, kaas oo uu kaga hadlay aragtidiisa ku wajahan khilaafka guddida qaban-qaabada ee shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ka taagan, waxaanu yidhi isaga oo arinkaa ka hadlaya “Gole dhexe layskuguma yeedhine guddi qabanqaabo ayaa la sameeyay, shirka golaha dhexena guddi qabanqaabo looma sameeyo sharciga inta aan ogahay anigu, guddi qabanqaabo waxa loo magacaabaa shirweynaha xisbiga marka la qabanayo, markaa shirweyne ayuu iskugu yeedhay Jaamac Shabeel, haday guddi qabanqaabo tahay su’aasha la is-weydiinayaana waxay tahay haddii Axmed Siilaanyo-na wasiirada shaqo u dirtay, Jaamac Shabeel-na shaqo kale u dirtay iyamay aqbalayaan ayuun baa la is weydiinayaa labadooda”
Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray “Wasiirada Axmed Siilaanyo oo Madaxweyne ah ayaa xil shaqo u igmaday, Jaamac Shabeelna shaqo kale ayuu u dirtay, Madaxweynaha iyo Jaamac Shabeel kay aqbalayaan iyagay u taalaa”
Sidoo kale Mujaahid Cali Guray oo aanu wax ka weydiinay wakhtiga ay golihii dhexe iyo guddidii fulinta ee xisbigooda oo aan samaysnayn ilaa hadda ay samaynayaan ayaa waxa uu yidhi “Bisha July horaanteeda ayaanu filaynaa inaanu isku nimaadno xisbi ahaan haddii Alle yidhaahdo, oo ku beegan sanad-guuradii sideedaad ee kasoo wareegtay aasaaskii xisbiga, waxaanu samaynaynaa guddidii fulinta, golihii dhexe, waxaanu ku heshiinay oo aanu isla aqbalnay in distoorkii xisbiga dib loogu noqdo oo la kala saaro musharaxa iyo gudoomiyaha xisbiga”
Mar aanu su’aalnay sida uu u arko boqashada Mujaahid Ibraahin Dhega-weyne iyo Mujaahid Axmed Mire ay ku joogaan dalka UK caasimadiisa London oo la sheegay in xukuumada Siilaanyo ay dareen didimo ah ka qaaday Socdaalkooda, waxa uu yidhi “Anigu inay didmo ka qabto iyo inaanay ka qabin xukuumadu socdaalka labadaa mujaahid ma ogi, laakiinse waxa la igu yidhi, Tv-ga qaranku muu sii daynin khudbadihii ay mujaahidintaasi ka jeediyeen xuskii 18-ka May ee lagu qabtay London, haday sidaasi tahayna waa khalad oo waxa la sheegayaana run buu noqonayaa haddii Tv-ga Qaranku sii dayn waayay khudbadihii Mujaahidiinta Dhega-weyne iyo Axmed Mirena waxa run noqonaysa in xukuumadu didmo ka qabto socdaalkooda”.
Source: haatuf
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=1549



-
Designed by
Mujaahid Cali Guray waa geesi wadanka u soo halgamay, haday udub kala sarayso musharaxnimada iyo godoomiyaha waa arin wanaagsan una cuntamaysa dadka, ta kulmiye waxan anigu umalaynayaa in la soo gadhay wakhtigii ubur burilahaa kulmiye waayo maheshinayaan, muuse waxa urabaa in u xusbiga gudoomiye iyo musharaxba u ahado sidii silaanyo ba ahaa, halka kulmiyena aanu rabin in muse musharax u ahaado ee ayrabaan in ay nin kale keen sadaan oo ay usharaxan xisbiga, ama ugu yaraan ay yidhaahdaan tartan aya lagalayaa taasna muse mayelaayo waayo dee silaanyoba muyeelin ee wakii dhamaan dadki latartamayay hawada uwada diray, maanta na muse in lagu qab sado anigu khalad ayaan u arkaaba ilen meesha waa u u soo halgamaye.