abaarta
Fadaln Ilaahay Dartii Caawimmo uga Gayso Gurmadka Abaaraha Gobolka Saaxil
Gobolka Saaxil xaalad abaar iyo macaluul soo foodsaartay dadka ku nool deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka.
Abaarta waxa u weheliya duruuf ka duwan ta ka jirta Gobollada kale ee dalka oo ah Kulaylka xad-dhaafka ah ee Ilaahay ku beeray, ayaa waxa lammaane ku noqday
Duruufaha cimileed ee deegaannada Xeebaha abaartu saammaysay waxa u dheer isgaadhsiin la’aan iyo wado la’aan, taasoo sii affar laabtay xaalada dadka deegannaadaas ku nool, waxaana todobaadkii hore nafaqo daro ugu dhimatay Xeebta Galbeedka gabadh ambalaaskii looga diray Berbera la kulmay geerideeda.
Fadlan ka qaybqaado Gurmadka Abaaraha Gobolka Saaxil oo loo sammeeyay Guddi uu Guddoomiye ka yahay Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi, Caasha Aadan Yaanyo, xildhibaanno iyo Ganacsato.
Badhasaabka Gobolka Saaxil waxa uu baaq u diray cidkasta oo caawimmo siin karta in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka abaaruhu saammeeyeen ee Gobolka Saaxil, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Xaaladda abaarta iyo darxummadda ka muuqata Gobolka Saaxil waa mid ay ka wada simanyihiin xeebaha oo dhami. Waxaannu cidkasta ugu baaqaynaa inay ka qaybqaataan sidii dadkaas wax loo gaadhsiin lahaa, Gobol ahaan waxaannu sammaynay Guddida Abaaraha Gobolka Saaxil oo uu guddoomiye ka yahay Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Saaxil, oo akown u gaara u sammeeyay ciddii soo caawinaysa walaalahooda dhibaataysan.”
“Xeebaha Bariga waxaa ka taagan wax laga argagaxo oo ay ka mid yihiin dad yidhi laba maalmood waxba maanu cunin, qaarkoodna sahaydii aanu sidanay baanu siinay markaannu aragnay xaaladda ay ku suganyihiin.”
Ciddii Ilaahay dartii u caawinaysaa waxay ku haggaajin karaan Accounka Dahabshiil 1136 Berbera, amma Zaad Number 4436469.
Caawi wallaalkaa, Ilaahay ha ku caawiyee.
U gargaar kuwa Baahan Ilaahay ha ku badbaadiyee



-
Designed by