|

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Maraykanka oo daboolka ka qaaday baadhitaanka in Ruushku farogelin ku lahaa Doorashadii Trump

Washingtone-(Berberanews)-Agaasimaha FBI James Comey, ayaa marii u horraysay caddeeyay in FBI ay baadhitaan ku hayso eedaha lala xidhiidhanayo in Ruushku Farogelin ku lahaa Doorashadii Madaxtinnimada Maraykanka ee 2016.

Mr Comey oo caddaymo siiyay Guddida Sirdoonka ee Congreska, ayaa sheegay inaanu wax caddaymo ah taageero u noqda u hayn sheegashadii Madaxweyne Trump in Telefoonnadiisa ay dhegaysteen maamulkii Obama.

Maamulka Trump ayaa sheegay inaanay wax isbedel ahi dhicin, islamarkaana aanay jirin wax caddaymo ah oo muujinaya xulafo u dhaxaysa Trump iyo Russia.

Dawladda Ruushku markasta waxay dafirtay inaanu jirin wax isku day ah oo ay ku saamaynayso doorashada Madaxtooyada ee Maraykanka.

“Baadhitaanka FBI wuxuu diirada saari doonaa suurtagalnimada xidhiidh kasta oo dhexmaray shakhsiyaad ku lug lahaa ololihii Trump iyo dawladda Ruushka  iyo wada-shaqayn kasta oo laga yaabo inay ka dhaxayn karto oloihii Trupm iyo Ruushka,” sidaa waxa yidhi Agaasimaha Sirdoonka FBI Mr Comey.

FBI waxay qiimayn ku sammayn doontaa in dembiyo dhaceen, ayuu yidhi Mr Comey.

Comey, wuxuu sheegay in baadhitaanku yahay mid aad u culus, islamarkaana aanu bixin Karin wakhti la xidhiidha xilliga uu dhammaanayo.

“Waxaannu dabageli doonaa xaqiiqooyinka meelkasta oo ay nala galaan.” Ayuu yidhi Mr Comey.

Xoghayaha Saxaafadda Aqalka Cad Sean Spicer, ayaa sheegay inaanay Maamulka Trump wax cabsi ah ku hayn baadhitaanku, waxaannu yidhi, “Waad sii wadan kartaa inaad wax baadho, laakiin inaad baadho inaad raadiso wax aan jirin wax macno ah ma leh”.

 

Xuquuqda Turjumaada Berberanews

Email us, info@berberanews.com

Share Button
Please follow and like us:
0

Comments are closed