Berbera News | Daily News Update

Agabka Doorashada Degaanka iyo Hormadii 1aad ee Goob-joogayaasha Caalamiga ah oo Dalka soo Gaadhay

Somaliland
Hargeysa (Berberanews)- Agabka lagu qabanayo doorashada dawladaha hoose ee u qorshaysan inay 28-ka bishan ka qabsoonto Somaliland iyo weliba hormadii 1aad ee goob-jooggayaasha caalamiga ah ee doorasha degaanka, ayaa dalka soo gaadhay Khamiistii shalay.
Qayb ka mid ah agabka hawlaha doorashada lagu qabanayo oo ay sideen xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka oo beryahanba ku maqnaa dalka Ingiriiska, ayaa laga soo dejiyey shalay Madaarka magaalada Berbera.
Mr. Raabbi Cabdi Maxamed oo ka mid ah xubnaha Komishanka, ayaa sheegay in badi agabkii doorashada dalka keeneen, halka qaybo kalena dalka soo gaadhayaan maalmaha soo socda.
“Waxaannu sidnaa agabkii lagu gelayey doorashada, waxa kale oo jira qayb kale oo aannu sugayno saddexda maalmood ee soo socda insha Allaahu. Arrintani waxay muujinaysaa in hawshii qabashada doorashada dawladaha hoose si fiican u socoto, waxaannuna Ilaahay ka rajaynaynaa inay si wanaagsan noogu dhammaato,” ayuu yidhi Mr. Raabi.
Geesta kale, xidhiidhiyaha goob-jooggayaasha caalamiga ah ee dusha kala soconaya doorashada degaanka Somaliland, ayaa soo gaadhay caasimadda Hargeysa, kaas oo hordhac u ah goob-jooggayaal ka kala socda 16 dal oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Newzealand, Kenya, Koonfur Afrika iyo waddamo kale oo la filayo inay dhowaan dalka yimaaddaan.
Dr. Steve Kibble oo ah xidhiidhiyaha goob-joogayaasha caalamiga ah oo shalay u warramay Telefishanka Qaranka, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay goob-joogayaal ka noqdaan doorashada deegaanka Somaliland, isagoo tilmaamay inay dhawaan dalka soo gaadhi doonaan goob-joogayaal ka socda ilaa 16 dal, kuwaas oo isu qaybin doona guud ahaan gobollada doorashadu ka dhacayso.
Waxa kale oo uu sheegay inay isla shalay kulan la yeesheen Guddiga Doorashooyinka, una gudbiyeen gudbiyeen talooyin la xidhiidha doorashada degaanka, kuwaas oo Komishankuna soo dhoweeyey, waxaannu ballanqaaday inay goob-joog ka ahaan doonaan ilaa tirinta codadka doorashada degaanka, kadibna natiijada codbixinta u gudbin doonaan beesha caalamka.