Al-Shabaab oo si adag ka hadashay Dastuurka Cusub iyo Dad ay ku eedaysay inay Dawladda Soomaaliya Iibiso

Custom Search

Marka-(Berberanews)- Malleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta dalka Soomaaliya, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka hortagaan meel-marinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya yeelanayso, kaasoo soo xulista Ergadii ansixin lahayd lagaga shirayo Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab, ayaa ku doodaysa in lawado qorshe la doonayo in dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya uu dhigayo inay Diinta Islaamka iyo Diimaha kale noqdaan kuwo ka siman Soomaaliya gudeheeda. Afhayeenka Al-shabaab, Sh. Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali-Dheere) oo warbaahinta kula hadlay degmada Marka ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa sheegay in qorshahan lagu simayo Diinta Islaamka iyo Masiixiga ay wadaan dalalka caawiya dowladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya.

Afhayeenka Al-Shabaab waxa uu sheegay inay Gaaladu si cad u sheegeen inay doonayaan in dalka Soomaaliya lagu faafiyo Diinta Kiristanka, Cali-Dheere oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Waxay Gaaladu si cad u sheegeen inay doonayaan in Soomaaliya lagu faafiyo Diinta Kirishtaanka, isla markaana ay la mid noqto Diinta Islaamka.”

Waxa uu Afhayeenka Malleeshiyada Al-Shabaab oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Sidoo kalena ay sinnaadaan Masaajiddada iyo Kaniisaduhu, innaguna ma oggolin. Waxaanan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay ka hor-tagaan ansixinta dastuurkaas Diinta Islaamka lagaga soo horjeedo.”

Afhayeenka Al-SHabaab waxa uu dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ku eedeeyey inay iibsato dadka lagu qabqabto hawlgallada ciidammada dawladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho iyo deegaannada Al-Shabaab laga qabsaday ee dalka Soomaaliya, waxaanu xusay dadka hawlgallada lagu qabqabtay inaanay ku jirin cid Malleeshiyada Al-Shabaab ka tirsani.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18361

Posted by on Jul 9 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta