|

Al-Shabaab oo soo dhawaysay Geerida Ra’iisal wasaarihii hore ee Itoobiya

Custom Search

Soomaaliya-(Berberanews)- Malleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaallanta koonfurta Soomaaliya oo ka tirsan Shabakadda Al-Qaacida, ayaa sheegay inay aad ugu farxeen dhimashada Ra’iisal wasaarihii dawladda Itoobiya Meles Zenawi.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi, ayaa ku geeriyooday xalay Cusbitaal ku yaalla dalka Belgium oo lagu daweynayey tan iyo bishii July ee sannadkan, halkaasoo lagaga daweynayay xanuun culus oo ku soo booday. Geeridiisa ayaa timid ka dib iyadoo uu Afhayeenka Xukuumadda Itoobiya sheegay laba maalmood Ramadaan ka hor in xaaladda caafimaad ee Zenawi ay tahay mid aad u wanaagsan.

Haddaba Malleeshiyada Al-Shabaab ee ka hawlgasha koofurta dalka Soomaaliya, isla markaana dagaalka kula jira ciidammada dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee taageera oo ay Ciidammada Itoobiya ka mid yihiin, ayaa soo dhaweeyey geerida Meles, isla markaana ku tilmaamay inay maanta u tahay maalin taariikhi ah oo ay aad u ugu faraxsan yihiin dhimashada Ra’iisal wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi.

Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage oo Warbaahinta kooxdaa ka hadlay maanta, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin dhimashada Zenawi. “Aad ayaannu ugu faraxsan-nahay geerida Meles’ , Itoobiya hadda ayay burburaysaa…” sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere. ayuu yiri Sheekh Cali Dheere. Waxaanu intaa ku daray Cali Dheere in ciidamada Itoobiya ee haatan ku sugan qaybo ka mid ah Soomaaliya ay Al-Shabaab ahaan kala burburi doonaan, dalkana ka saari doonaan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19792

Posted by on Aug 21 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta