|

Alessandro Del Piero oo si Rasmi ah ugu Biiray Kooxda Sydney FC ee Dalka Australia

Custom Search


Ciyaaraha-(Berberanews)-Kabtanka Juventus ee Alessandro Del Piero, ayaa si rasmi ah ugu biiray shalay kooxda Sydney FC ee waddanka Australia, isagoo qallinka ku duugay heshiis laba sanno oo uu kula joogi doono.

37 jirkan ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada turin ku xaqiijiyay inuu ka ciyaari doono horyaalka Australia ee A-League loo yaqaano, kuna faraxsan yahay ku biiritaanka kooxdan.

Del Piero waxa uu sheegay inuu dalab ka helay kooxo badan oo ka dhisan Talyaaniga iyo Ingiriiska, balse uu door biday Sydney FC markii uu dhambaalo codsi ah ka helay taageerayaasha naadigaas.

Ku biiritaanka Del Piero ee Sydney FC, ayaa soo baxay waqti uu dalabyo ka helay Liverpool iyo Southampton oo Ingiriiska ka dhisan, waxaannu tababare Brendan Rodgers qiray inuu ka naxay tagitaanka laacibkan.

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=20290

Posted by on Sep 6 2012. Filed under CAYAARAHA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta