Berbera News | Daily News Update

Amiiradda gobolka Sussex ee England ayaa dhashay wiilkeedii ugu horreeyay

Meghan oo ah xaaska Amiir Harry ayaa maanta um ushay wiil kusoo biiray boqortooyada Ingiriiska.

Ilmahan ayaa noqday qofka 7-aad ee ku biiraya safka dhaxal sugeyaasha boqortooyada.

Waxaa taajka boqortooyada uga horreeya Amiir Wales Prince Charles, Amiirka Cambridge Prince William iyo carruurtiisa oo kala ah Princess Charlotte iyo Prince Louis, iyo aabihiis Prince Harry oo ah amiirka Sussex.

Prince Harry iyo Meghan ayaa warka ku saabsan uurka amiiradda shaaciyay 15-kii bishii Oktoobar ee sannadkii 2018-kii, xilligaasoo ahayd maalintii ugu horreysay ee ay billaabeen safarkooda boqortooyada ee ay ku marayeen Australia iyo New Zealand.

Cunuga dhashay ayaa noqday ilmihii siddeedaad ee ay ayeeyo labaad u tahay boqoradda Ingiriiska.

Horay looma sii ogeyn wiil ama gabar midka uu yahay cunuga uurka ku jiray, waxaana kadis looga dhigay lamaanaha oo door biday in aysan sii ogaanin.


Xigasho Bbc Somali