Amni: Maanso ka hadlaysa Qiimaha Nabadda oo uu curiyay Abwaan C/weli Saxardiid

Maansada Amni ee uu curiyay Abwaan Cabdiweli Saxardiid Aw Xirsi Waxay la hadlaysaa gabi ahaan bulshada Somaliland siyaasi musharax iyo shicib, waxaanay leeday wax kasta waxa ka horeeya nabada.
Ka boqo Qoraalka Maansada Amni.

Rag ardaagii waa nabad
Aduunyada korkeedoo
Uurka kama ladaan jiif
Uun colaadi haysaa
Abdi meelay joogaan

Wax ku oolka nolashuna
Addimaday ku joogtaa
Awal nabada weeyoo
Ma aflaxo qof awdalay

Misna uu il daranyoo
Dhulka Eebe badiyaa
Yaraadoo ku ururoo

Halka uu istaagaba
Geedahaa ku oriyooo
Irdhaw buu ku noolyahay

Indhahaan ku soconiyo
Lafta adhaxda haysiyo
Nabadaan awoodiyo
Itaal aan ku leenahay

Meelay aano taaloo
Laysu aastay jiibkana
Aayo tiin ma yaaloo

Dadkoo iniba meeliyo
Ku go doon tay aagiyo
Ehel kala fogaadiyo
Uur ku taalo mooyee
Abdo laga fishaa maqan

Meel aanay nabad ool
Aafo laga ducaystiyo
Waa obac wareenoo
Isir iyo xigaal iyo
Asxaab iyo in wadatiil
Isma oga si ay yiin

Meeshaanay nabad ool
Eedaadka yaalaa
Waa oohin iyo way

Hooyo inan ku weydiyo
Afo aastay say iyo
Caruur wada agoonoo
Ologaaga dhaw yaal
Oori weer cad xidhatiyo
Waa iilashiyo hoog

Nabad baad odhaahiyo
Ujeedooyin saxaniyo
Aad ku dhiibataa eray
Iyo aragti kula wacan

Meel aanay nabad ool
Aqal lagama taagoo
Kama dhaco aroos qoys
Salaantii islaamkaa
Aftol looga yeeloo
Fure ay u tahay culus

Sidu Eebe ina faray
Amniguna bilkhayriyo
Waa ehelka noolaha

Haday aano meel taal
Anfariir dhibaatiyo
Waa ayaan dariyo ciil
Ayaan noolba joogtoo
Ifka raaxo kaba dheer

In amaanku faral yahay
Diintaa ina faraysoo
Axaadiis bayaaniyo
Ku sheegaysa Aayaad

Meel aan amaan jirin
Nuur iyo ilays iyo
Kama baxo iftiinoo
Oodaa u orogan nolol

Arlo nabadi taalaa
Nolol lagu unkaayoo
Isjacayl walaalnimo
Ummadi ay ku dhaqantaa

Meel aan amaan jirin
Imtaxaan culaysiyo
Inkaaraa fadhiya oo
Kama yeedho aamiin

Wadamada ilbaxayee
Aduunayada hogaanshana
Intaa waxay ku gaadheen
Nabadaa u aabo ah

Nabad baa leh intifaac
Iyo naas irmaanoo
Waa ilo xareedoo
Dadku uu ku oon baxo

Nabad baa asluubiyo
Anshax lagu hantaayoo
Dhaqankaw asaasiya
Isku duubni wadareed

Amni meeluu yaalaa
Aqoon lagu bartaayoo
Ubad lagu barbaarshaa
Idamada ilaahay

Nabad baa leh ulashiyo
Reexaan udgooniyo
Wax indhuu jeclaystaan
Sida ubaxa dayreed

Nabad baa amaaniyo
Dhaxal lagu arooriyo
Abtirsiin wanaagloo
Ku ahaata magac duni

Nabad baa aqbaaliyo
Midho iyo abuuriyo
Iniin aad ku beertaa
Kuu ahaata keyd yaal

Nabad baa ardaaiyo
Edge lagu caweeyiyo
Fiid loo shitaa oog
La isagu imaadaa

Nabad baa astaan u ah
Shay uu aadmi iyo bahal
Isku raacsanyahay gabi

Nabad baa afgarashiyo
Arin lagu badhaadhiyo
Dadku wuxu ku arad baxo
U ah udub dhexaadkood

Nabad baa leh ooliyo
Beel udub u taaloo
Afarliyo daryaaliyo
Alool loo samaystaa

Nabad baa iskaashiyo
Bulsho ay ul iyo diir
Ku agaasintaa nolol

Aduun meelay joogaan
Nabad baa amuuriyo
Talo iyo odarasiyo
Indheer garadku hawlaha
Ku af jaraan wixii jira

Nabad baa leh unugiyo
Asal laga farcamo iyo
Isir lagu tanaadoo
Awoowiyo ayeeyo le

Nabad baa edaaabiyo
Ixtiraamid nolaleed
Dadku isu xilqaamaa
Ayni uu isagu jiro

Nabadbaa ujeediyo
Ku asataysan meeloo
Waa tiirka aadmigu
Ku abuuranyahay nolol

Nabad baa islaaxiyo
Adeeg iyo waxqabadloo
Hubaal lagu ogaadaa
Amqaadka himilada

Nabadbaa albaab u ah
Ibaxnimada dunidoo
Waa iridka laga galo
Aayotiinka noloshoo

Waa ileeyahaa haga
Ujeedada samaantoo
Aadmigu ma huri karo
Ana aragtidayadii
Alifka iyo jiiftada

Waxa aan ku ilo xidhay
Nabadu waa aqoontii
Nabadu waa ilayskii
Nabadu waa iftiinkii
Nabadu waa ugaaskii
Nabadu waa udgoonkii
Nabadu waa arooskii
Nabadu waa abuurkii
Dhan kastoo la eegaba
Waa aasaaskii nolashee
Waa inaan adkaynaa

 

Share Button
Please follow and like us:
0