““Anigu Fannaanad Reer Somaliland ah ayaan ahay, Anigoo Muqdisho joogana waan lahaa” Yurub Geenyo

Hargeysa-(Berberanews) – Fannaanadda Caanka ah ee Yurub Maxamd Cabdi (Yurub-Geenyo) oo Bilihii u dambeeyay ku sugnayd Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa Shalay dib ugu soo laabatay Somaliland, waxaana Madaarka Diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal ku soo dhaweeyay Fannaaniin iyo Xildhibaanno.

Yurub-Geenyo oo Safarka ay Muqdisho ku tagtay muran badan ka dhex abuuray Bulshada Fanka iyo Fannaaniinta xiiseeya ee Reer Somaliland, ayaa Hargeysa ku soo laabatay Shalay, ka dib Cafis uu u fidiyey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, maaddaama oo ay Dambi Qaran tahay in Dadka Bulshada ka dhex muuqdaa ay u safraan Dalka Soomaaliya oo diiddan Madax-bannaanida Somaliland.

Yurub-Geenyo oo markii ay ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa la hadashay Warbaahinta, ayaa sheegtay inay Somaliland dib ugu soo laabatay markii ay heshay Cafiska Madaxweynaha.

Yurub geenyo

Fannaanada oo ugu horeyn u Mahad-naqaysa Madaxweynaha iyo Dadkii ku soo dhaweeyay Madaarka, ayaa tidhi “Waxaan aad iyo aad ugu Mahad-naqayaa Asxaabtayda, Fannaaniintayda aadka u qiimaha badan ee I soo dhaweeyay. Waxa kale oo aan halkan uga Mahad-naqayaa Madaxweynahayga Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Cafis ballaadhan oo Qiimo badan ii fidiyey, waxaan leeyahay aad-baad u Mahadsan tahay Madaxweyne.”

Fannaanadu waxa kale oo ay sheegtay “Waxa kale oo aan u Mahad-naqayaa Adeerkay Xildhibaan Nac-nac iyo Adeerkay Jamaal Caydiid iyo Guddoomiyahayga Xiddigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax) oo si wanaagsan ii soo dhaweeyay..” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Anigu Fannaanad Reer Somaliland ah ayaan ahay, Anigoo Muqdisho joogana waan lahaa oo Wareysiyo aan qabtay waan ku daray inaan Fannaanad Reer Somaliland ah ahay, imikana waan ahay oo Cidna igama maydhi karto.”

Yurub-Geenyo waxay Shacabka Reer Somaliland ka Raali-gelisay Safarkii ay ku tagtay Muqdisho “Shacabka Reer Somaliland waxaan leeyahay haddaad dhibsateen Muqdisho oo aan tagay, aad-baan idiinka raali-gelinayaa, dibna u dhici mayso..”ayay tidhi.

 

Share Button
Please follow and like us:
0