BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

“Anigu Isma Casilayo, Xukuumaddu iyadaa gabtay waajibkeedaa” Jawaari

Muqdisho(Berberanews):- Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa Maanta Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho, waxa uu kaga hadlay halka uu marayo khilaafka Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee la doonayo in xilka lagaga qaado.

Waxaannu Warka ku saabsan shirka Jaraa’id ee Jawaari idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Share Button
Please follow and like us:
0