‘Anuun Baa Hoyadaa Ah!’ -W/Q: Amal M.M. Kastam

Hooyoy addoomuhu Halkay maanta joogaan Adigow horseedoo Intaad hanad xambaartee Haaneedka siisee Horaaddada jaqsiisee Habtay baan xisaab iyo Tiro lagu heleynoo. Ereyadaasi waxay ka mid ahaayeen maansadii Hooyo ee Abwaan Hadraawi.

AMAAL-MM-KASTAM-300x300

Haddaba qofkasta oo ka mid ah ummaddaha caalamka ee kala jinsiyadah iyo kala dhaqanka duwan leh ee Soomaaliduna ka midka tahay shakhsi iyo ruux walba oo ku nool uunka alle ee qarnigan maanta intii alle keenay ifka qofkasta oo inaga mid ah ha weynado ama dhex-dhexaad ha ahaado wuxuu soo maray mar xalad dhalinyarnimo, taasoo ay ku lamaan tahay xalado iyo duruufo kala gedisan oo mid walba ay wadato xaalad u gooniya iyo hab-dhaqano cusub oo hore loo arag, kana yaabisa bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan dacalada dunida.

Dulucda qalinka akhristayaal qormadeena maanta ku eegaynaa dhibaatooyinka haysta Waalidiinta Soomaalida, waliba hooyooyinka iyo magaca ay ugu neceb yihiin inay maqlaan dhegahoodu maanta muxuu yahay?.

Hore ayay soomaalidu ugu maahmaahday Nin yari geed inta uu ka boodo ayuu talona ka boodaa. Waqtiyada uu mar xalada dhalinyarnimada ku jiro, balse dhalinyarada Soomaalida ee ku nool qaarada Yurub, ayaa had iyo jeer waxa dhacda inuu isu arko markiiba qof weyn oo garanaya wax kasta ama fahmaaya mabaabida ka jirta waddamada caalamka eek u loolamaaya xadaaradaha kala duwan, kaasoo marka danbe ay sababto inuu naftiisa ku waayo ama ay ku halaagmaan, wuxuuna aamisan yahay inuu ka soo gudbay ciyaalnimadii oo uu qof weyn yahay maanta.

Carruurtu markay yar-yar yihiin 10 jir wixii ka yar Waalidkood waliba hooyadood ayay ka ag-dhaw yihiin, laakiin wixii afar iyo toban jir ka weyn laga bilaabo waqtigaa way ka sii fogadaan maalin-ba maalinta ka danbaysa oo saaxiibadood ayay kaga farxad badan yihiin, sidii horena wax uguma sheegaan waalidka Hooyadood ama Aabahood.

“Wuxuu tagayaaa suuqa cidduu la socdaa, kuna faraxsan yahay waa saaxiibkii, wuxuuna ku wadaa haadan dhibaato badan oo qofka ku dhacaa ay adag tahay siduu uga badbaado, halka qaar badana ay ku waayeen naftoodii mahalakada ay u badheedheen. Wuxuu tagayaa Masjid cidda uu ku qanacsan yahay inuu raaco waa saaxiib oo nasteexo ayuu moodayaa, laakiin wuxuu tagayaa xaflad, diiqad ayaa galaysa, balse waxa lagu war helaa Daacish S.I.S ayuu galay wuxuuna ka soo hadlay Turkiga ama Sria.”

Hase yeeshee Waalidiinta Soomaalida waliba Hooyooyinka Qurbaha waxay ugu neceb yihiin inay maqlaan dhegehoodu magaca ama erayga Daacish, wuxuuna naftooda ku abuuraa wal-wal iyo walbahaar, naxdin u joogta ah, waana uur wax dhalay, laakiin ka ay ka naxayso ee mararka qaar ay naxdinu u gaysato caafimaad-daro, lagana yaabo in hooyooyin badan uu ku soo boodo macaan.

Haddaba hooyooyinka Soomaalida ah ayaa marka ay maqlaan magaca Daacish waxa siweyn uga xanaqaan magacaas oo ay ka qaadeen dhiikar hooyoouinka Soomaalida, halka ay markii hore ka nixijireen magaca Al-shabaab oo badelay immika ay ka xanaaqi jireen waagii hore.

Dahabo waa hooyo soomaaliyeed oo Huqdi iyo Hagardaamo baroortuna dhamanadeeda qoysay, ma garanayso Daacishtan magaca oo un ayay maqashay, balse waa qof la ildaran wiilkeedii oo aan ogayn xaalada iyo imtaxaanka hooyadii u marayso waa beer wax dhalay, isagu ma ogaba.

“Habeen iyo maalin waa u oohin, oo dhamanadeeda ayay ilmadu qoysay. Talaw yaa u kala warama, isaguna wuxuu leeyahay waan jihadayaa ee duco ayaan rabaa, meesha aan ka soo hadlayo waa Turkiga ama Sryia, maxaa kalifay soo korisay haddana hurdo ayay ka seexan weyday hooyadii. Waalidkii iyo eheladiina waxa ka soo hadhay yuu raaci jiray, hebel..hebel..hebel:”sidaa ayay inta badan hooyooyinka la nool murugada ay ku beereen kuwii ay soo korisay waqtiga badan ee ay u soo rafaaday, una soo martay dhibaatada iyo diifta adag.

Inkastoo ‘ waalidku marka uu wax u dirsado wuu kar hayaa, wuxuuna u arkayaa inay ku keeneen mashquul iyo xoriyad la’aan aad ayuu uga xumaanayaa oo diiqad ayuu is galinayaa. Hase yeeshee Soomaalida waxa aad ugu badan xilliyadan dambe Waalidiinta iyo ubadkoodu xidhiidh wada lahayn,

iyagoo wada nool gurigana wada jooga oo ay wax wada cunayaan ayay hadana waalidku dareemayn is badelka ku dhacay Ilmihiisa balse inta badan aabaha Soomaaliyeed ayaa la socon ubadkiisa oo hooyada oo kaliya ayaa inta badan ubadka la rafaada, isaguna wxuuu ku mashquulsan yahay cunista jaadka iyo dooda muranka ma dhalayska ah ee siyaasadda ku dhisan qabyaalada ee Soomaalida lagu halakeeyay.

1. Markaa Su’aasha hortaala Aabaha ama Hooyada Soomaaliyeed waxa wee sidee saaxiib ula noqon karaan ubadkooda?2. Xidhiidh Intee leeg ayaa ka dhaxeeya waalidiinta Soomaalida iyo ubadkooda? 3. Waa qaab nooceeya xidhiidhka ay la leeyihiin carruurtooda?.

Si-kastaba ahaatee Dad badan oo ka mid ah dadka xidhiidhka waalidka iyo ubadka odorasa iyo kuwa falaqeeya, ayaa is weydiiya arragti ahaan, sida ay u dhaqmaan inay kala fog tahay, loona baahan yahay in waalidku uu la saaxiibo ubadkooda siday u ogaadaan waxyaabaha ku jira maskaxdiisa iyo cidda uu xidhiidh la leeyahay iyo is badelada soo food saara naftiisa.

amalkastam@hotmail.com

 Amal M.M Kastam

Groningen/Netherland.



%d bloggers like this: