|

Arday Hargeysa ku soo bandhigtay Qaamuus Electronic ku shaqaynaya

Hargeysa-(Berberanews)- Qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda gaarka loo leeyahay ee ALPHA University College oo xarunteedu tahay magaalada Hargeysa, ayaa soo bandhigay qaamuus electronic ah oo isku turjumaya luuqadaha Somaliga iyo Ingiriisiga.

Munaasibad loo sammeeyay Bandhiga Qaamuuskan casriga ah oo diyaariyeen saddex arday oo ka mid ah ardayda Jaamacadda Alpha, kuwaasoo kala ah Cabdiqadir Cabdixakiim Maxamud, Axmed Aadan Rooble iyo Guuled Cabdillahi Qiyaas oo lagu qabtay Hudheelka Imperial waxa ka soo qaybgalay Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudoomiyaha Acadamiga Nabadda iyo Horumarinka Md Boobe Yussuf Ducaale, Gudoomiyaha Jaamacadda Alpha Universtiy College Mr Maxamed Xuseen (mu’adinka), Xildhibaano, Xubno ka socday Shirkada Telesom, Marti sharaf, iyo Ardayda wax ka barata Jaamacadaha Magaalada Hargeisa.

Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha Mr Maxamed Xuseen (mu’adinka) oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay ardayda soo bandhigay midhaha waxbarashada ay Jaamacaddooda ka qaateen, isagoo u soo jeediyay ardayda kale ee jaamacadduna inay ku daydaan dedaalka saddexda arday, “Waxaan halkan ka hambalyaynayaa ardayda cimigii ay jaamacada ka barteen midho dhalka ka sameeyey, waxaanan ku dhiiri gelinayaa in ay dedaalkooda halkaa ka sii wadaan, Ardayda kale ee Jaamacada wax ka bartaana ay ku daydaan Ardaydan.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha.

Guddoomiye-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Sammaale, ayaa hambaleeyay dedaalka ay sammeeyeen saddexda arday ee soo bandhigay qaamuuska Elecrrooniga, isagoo tilmaamay heerka waxbarashada Somaliland ka gaadhay dhinaca Teknoolojiyadda casriga ah, loona baahanyahay dhiirigelinta ardayda, si looga midho dhaliyo waxbarashada casriga ah ee IT-ga

Cabdiqadir Cabdixakiim Maxamud oo ka mid ah saddexda arday ee qaamuuska sammeeyay, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka loo adeegsanayo qaamuuskan oo uu xusay inuu yahay Software lagu shubayo Kombuyuutarada oo ay ku jiraan 89,000 oo kelamood, kuwaasoo isugu jira 38,000 kalmadood oo Somali ah iyo 60,000 English ah, isagoo sheegay in marka Kombuyuutarka lagu shubo uu qofku ku qorayo kelmada uu doonayo macnaheeda English amma Somali hadba kuu rabo, marka uu geliyana uu helayo jawaabta kelmada uu weydiiyay.

Cabdiqaadir waxa uu tilmaamay inay muddo sided bilood ah ku qaadatay dhammaystirka qaamuuska iyo ka midho dhalinta himilada ay hindiseen isaga iyo labadiisa saaxiib oo ay isku fasal yihiin.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email,info@berberanews.com

Saaxibadaa Twitter ug gudbi warbixinta


Short URL: http://www.berberanews.com/?p=11197

Posted by on Jan 27 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Marxuum Cigaal: Dardaaran



Recently Commented

  • Mohamed: Waa nasiib daro in magaaladii wadanka miisaaniyadiisa soo saaraysay macalin iyo dhakhtaro loo waayo oo...
  • Mohamed: Wuxuu yidhi horta mar marka qaarkood in la jabo ma jeceshahay inkastoo xadhiga weriyaasha aan ka xumahay...
  • Mohamed: Xersi Toorileh hadii umadii oo dhan iyo xataa beeshii reerka madexweynuhu ka dhashayba arkeen dhibaatada uu...
  • Mohamed: Ina Cabdiqadir wuxuu u markhaati furay shacabka somaliland ee la yaaban dawladan fadhiidka ah wuxuu yidhi...
  • Mohamed: Xersi Toorileh taariikhdiisa waxaynu ka ognahay markii laga eryey gudidii qabqaabada doorashooyinkii xiligii...