|

Arsene Wenger: Man City Iyo Barcelona Waxa Ay Isku Dayeen Inay Burburiyaan Shaqadeyda Arsenal.

Custom Search

England (Berberanews Sports):- Arsene Wenger ayaa ku eedeeyay Manchester City iyo Barcelona inay isku dayayeen inay burburiyaan shaqadiisa Arsenal.

Xagaagii hore kabtankii hore ee Gunners Cesc Fabregas ayaa ka tagay waqooyiga London waxaana uu ku biiray kooxda Barcelona, halka labada ciyaaryahan ee reer France Samir Nasri iyo Gael Clichy ay iyagana u hayaameen kooxda Manchester City.

Waxaana 62 jirkaan uu qirtay inuu ka xumaaday in xiddigihii uu ku soo koriyay Arsenal inay ka tagaan Emirates, isagoo aaminsanaa inay Arsenal ku hogaamin kareen koobab.

“Dadka qaar waxa ay isku dayayaan inay burburiyaan shaqadaada” ayuu 62 jirkaan u sheegay De Telegraaf.

“Waxaan waayay Nasri, Clichy iyo Fabregas oo ku jiray da’ ay Arsenal wax weyn ugu qaban kareen”.

Arsenal ayaa haatan la soo wareegtay Lukas Podolski xagaagan, halka Wenger uu qirtay inay ku dhow yihiin inay la soo wareegaan weeraryahanka Montpelloer Olivier Giroud.

Mustafe Maxamud

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17719

Posted by on Jun 24 2012. Filed under CAYAARAHA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta