Arsene Wenger oo Qirtay inuu Jid Dil u arko Gool Kasta oo Van Persie u Dhaliyo Man United
Ciyaaraha-(Berberanews)-Tababaraha Arsenal ee Arsene Wenger, ayaa shaaca ka qaaday inuu jid dil dareemo markasta oo uu arka Robin Van Persie oo gool u dhalinaya kooxda Manchester United oo xaggaagan iibsatay.
Hadalka Wenger, ayaa soo baxay saacado ka hor intii aannu laacibkan reer Holland saddex gool ka dhalin kooxda Southampton oo ay Man United 3-2 gool oo dirqi ah kaga adkaatay.
Wenger oo ka hadlaya goolkii uu Van Persie ka dhaliyay Fulham toddobaadkii hore, ayaa sheegay inuu ahaa gool qurux badan balse aannu ku farxin, maadaama uu garan qaldan ku labisnaa.
Khabiirkan Faransiiska u dhashay oo ay ka faro baxeen ciyaaryahanno muhiim ah, ayaan la garan karin sida dareenkiisii noqday markii Van Persie saddexda gool ka dhaliyay Southampton oo ku sigataya inay Man united tabcayso.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=20216



-
Designed by