“Author Archive”
Stories written by Mursal

Tirada Carruur Walaalo ah oo ku geeriyooday Dhaamka Jig-jiga-yar iyo Dadweynaha Xaafadda oo ka cawday halista uu ku hayo

53dhaamka

“Immika durba intaa Roobka gu’gu curtay dadka dhalinyarada ah ee ku dhintay waxay tiradoodu maraysaa 3 qof. Kal horena  waxa ku dhintay 6 Carruur ah oo…Tii Afraadna waxa badbaadiyey..” Waraysi Aamina Ibraahin Xasan Hargeysa(Berberanews)- Wiil iyo Gabadh walaalo ah ayaa geeriyooday, ka dib markii uu liqay Dhaamka Xaafadda Jig-jiga yar degmada Kood-Buur ee magaalada Hargeysa, [...]

May 9th, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

Kulan lagaga hadlay adkeynta nabadgelyada Xuska 21-guurada Aasaaska Somaliland ee 18 May oo Hargeysa lagu qabtay

DIGITAL CAMERA

Hargeysa-(Berberanews)- Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ahna Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Rashiid Axmed Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Gudoomiyayaasha Nabadgalyada ee Shanta degmo ee Caasimadda Hargaysa ay ka kooban tahay. Ku-simaha Guddoomiyaha oo uu weheliyo Xoghayaha Maamulka Gobolka Maroodi-jeex ayaa tilmaamay in arrinta kulankoodani uu salka ku hayo xoojinta nabadgelyada iyo sidii ay isu baran [...]

May 8th, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Somaliland oo ka qaybgalay Shir IGAD uga furmay Addis Ababa

iiiiiiiiiiiiiiiiiiiii_t1

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirrada Arrimaha Dibedda,Gudaha,iyo Qorshaynta Qaranka Somaliland, ayaa maanta ka qayb galay shir ay ku yeelanayaan magaalada Addis Ababa ee dalalka urur-goboleedka IGAD iyo Qaadhaan-bixiyayaasha ka taageera arrimaha horumarka. Shirkan oo ahaa mid ay isku waajahayeen Somaliland iyo Qaadhaan-bixiyayaasha caalamiga ah ee maalgaliya urur-goboleedka IGAD ayaa waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ee Somaliland [...]

May 8th, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland oo Wershad Tabobbar ka furay Xabsiga Mandheera

002WARAR1-300x300

Hargeysa-(Berberanews)- Taiyaha Ciidanka Asluubta ee Somaliland Maxamed Xuseen Faarax Xiirane ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray Wershadda tabobbarka Xabsiga Mandheera ee gobolka Saaxil. Taliyaha Ciidanka Asluubta oo hadal ka jeediyay furitaankii Wershaddaas ayaa tilmaamay inay Ka qayb qaadanayso dhaqan-celinta Maxaabiista ku xidhan Xabsigaas. Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Faarax waxa uu [...]

May 8th, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

“Marxuum Cigaal muu ahayn Siyaasi reer Somaliland oo kaliya ah, laakiin wuxuu ka mid ahaa Siyaasiinta Afrika kuwa ugu Cad-cad.” Faysal Cali Waraabe

640_DSC00081_1_

Hargeysa-(Berberanews)- Xus loo sameeyey toban-guurada ka soo wareegtay geerida Madaxweynihii labaad ee Somaliland yeelato Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo taariikh badan ku leh, Somaliland, Soomaaliya iyo dunida-ba, ayaa xalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa. Xafladdan lagu xusayey Allaah Naxariistii Janno haka wareebiyee Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal, oo [...]

May 7th, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo furay Xarun cusub oo Guddiga doorashooyinka looga dhisay Hargeysa

WAKAALADDA BIYAHA

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xadhigga ka jaray dhisme cusub oo noqon doona xarunta guud ee Guddiga doorashooyinka Somaliland. Munaasibad loogu talo galay furitaanka Dhismaha ay yeelan doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay maaligelintiisu lahaayeen Ururka Wadamadda Taageera Hanaanka Diqmuraadiyadda Somaliland ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Cusub ee Komishanka [...]

May 7th, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

Madax-dhaqameed Reer Somaliland ah oo ka hadlay sababta magacyadooda loogu daray Liiska Odayaasha Ergada Dastuurka Soomaaliya

flag

Hargeysa-(Berberanews)- Xubno ka tirsan Madaxda dhaqanka Beelaha Somaliland oo magacyadooda lagu soo daray Liiska Madaxda dhaqanka Soomaaliyeed ee loo qorsheeyey inay soo xulaan Ergada ansixin doonta Dastuurka qabyo-qoraalka ah ee Soomaaliya oo Sabtidii ka furmay magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay magacyadooda liiskaa lagu soo saaray oo ay ku sheegeen kuwo laga been-abuuray. Chief Caaqil Cali [...]

May 7th, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

Badhasaabkii Gobolka Selal oo Madaxweynuhu Xilka ka qaaday iyo Guddoomiye cusub oo loo magacaabay

wwwiiuy

Hargeysa-(Berberan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu caawa xilkii uu hayey Digreeto Madaxweyne kaga qaaday Guddoomihihii Gobolka Selal Maxamed Muuse Bucul, isla markaana waxa uu magacaabay Badhasaab cusub oo gobolkaasi yeelan doono laga bilaabo taariikhda maanta. Xilka qaadista Guddoomiyihii hore iyo magacaabista Guddoomiyaha cusub ee gobolka Selal, waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed immika ka soo baxay madaxtooyada [...]

May 5th, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

Madaxweynaha Somaliland oo toddoba Wakiil u magacaabay dalal kala duwan oo Dunida ah

6a0105349ca980970c0147e1625a42970b-500wi

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabay Wakiillada Somaliland u fadhiyi doona dalalka Norway, Sweden, Canada, Kenya, Ingiriiska, Faransiiska iyo Wakiilka Wareega ee Somaliland. War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay qasriga Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo nuqul ka mid ahi Berberanews soo gaadhay ayaa lagu [...]

May 5th, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

Dawladda Somaliland oo Dalkeeda ka hor-joogsatay inay soo galaan Wefti ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti

6a0105349ca980970c0147e1625a42970b-500wi

Saylac-(Berberanews)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xadka ay la wadaagto dalka Jabuuti dib uga celisay Wasiirro iyo Xubno Jaalliyad reer Jabuuti ah oo doonayey inay u soo gudbaan degmada Saylac ee Somaliland oo la sheegay inay hore mashaariic horumarineed uga fuliyeen. Guddoomiyaha Gobolka Selal Maxamed Muuse Bucul, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur [...]

May 3rd, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »



Recently Commented

  • Abdilahi Jama mire: Berberi wax go’ lagu qaado ka weyn, haddii lawada dheefayo ok haddii kale maya
  • Berberaawi: Alaylehe qalinkaaga khadku kama dhamaado waar odayaashan magac baad u heshay xarago waxaa la ogaa ama la...
  • Cabdiraxman: Kuwani Salaadiin maaha ee waxa la yidhaa DHAAMEEL KA DHURSUGAYAAL markaa dhaameelkooda ha iska qaataan...
  • sahan: Asc waxaa aad layaab u leh werrshadani miyaamay hanti qaran ahayn, ma waxay somaliland oo dhani raali ka tahay...
  • yuniz: SXB, Qalinkaagu Khadku kama dhamaado

Gacal Store