|

AVB Oo Sheegay Marka Heshiiska Cahill La Soo Gabagabeeyo Inuu Weeraryahan Baadigoobi Doono.

(Berberanews Sports):- Tababaraha kooxda Chelsea Andre Villas-Boas ayaa si maldahan u sheegay suurtagalnimada ay kooxdiisa weeraryahan cusub ku soo iibsato inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo.

Iyadoo Nicolas Anelka la xaqiijiyay inuu u dhaqaaqayo kooxda Shanghai Shenhua, islamarkaana Didier Drogba iyo Salomon Kalou ay u baxayaan koobka qaramada Afrika bisha Janaayo, markaas Blues waxaa ku soo haraya seddex weeraryahan oo la yaqaano.

Villas-Boas ayaa sheegay inuu qiimeyn doono xaaladaasi, lakiin aanuu suuqa ku degdegi doono, waxaana uu rajeynayaa inuu soo gabgabeeyo heshiiska difaaca Gary Cahill.

Tababaraha Chelsea ayaa suxufiyiinta u sheegay: “Waxaan raadineynaa ciyaartoy tayo leh, lakiin suuqa Janaayo inta badan waa dhib in ciyaartoy tayo leh la helo, hadii la helena waa qaali”

“Waxaan rajeyneynaa inaan soo gabgabeyno heshiiska Cahill, ka dib waxaan darsi doonaa xaalada weerarka. Waa inaad lacag badan bixisaa marka loo fiiriyo tayada aan baadigoobeyno, ciyaartoyda diirada noo saaran mar hore ayaan qorsheynay”

Wargeysyadii shalay ka soo baxay Ingariiska ayaa la xidhiidhinayay kooxda Chelsea ciyaaryahanka kooxda FC Porto Hulk kaasoo heshiiskiisa Porto lagu burburin karo kaliya lacag adag.

Mustafe Maxamud “Kastam”

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports

Share Button

You must be logged in to post a comment Login