BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

Awood la liiday! – W.Q: Yaasmiin M. Kaahin

Dedan maahee daalacan, dagaal maahee waa nabad! Waa hogotus iyo tilmaan. Wax wanaagsan baa qabsoomay oo ugu yaraan dedaal muddo dheer soo socday baa midho dhalay, waanse ka aragti duwanahay dad badan oo arrintan qoonddada dumarka ee siyaasadda, gaar ahaan ka qaybgalka Baarlamaanka u bogay. Horreyso iyo horraanba, waxaan aaminsanaa, aaminsanahayna in baahida haweenka ee Somaliland ay ka mug iyo macno weyn tahay inay ‘Siyaasad ka qaybgalaan oo kaliya’. Waxaan qabaa in baahida haweenweynaha Somaliland ay muraayad u yihiin hooyooyinka fadhiya suuqyada ee aan haysan suuliyo ay galaan, inta suuli suuqa ku taallaana (Xamaamyadu) ay gaar u yihiin ragga ee aan iyaga loogu talo gelin, dabadeed siday saaka guriga kaga soo baxday ugu noqota habeenkii – iyadoo kelyuhu xanuunayaan. Waxa humaagga baahida haweenka laga dheehan karaa inta hooyo agoon korinaysa, aqoon aan baran, ubadku ku kaliyaysteen ee il-dhaqaale raadinaysa, cid ay ku eerato na la’! Waxaan qabaa in qoonddadu tahay awooddii haweenka oo ah codbixiyaha ugu tirada badan oo la liiday. Halka ay ahayd in isku duubnidooda iyo iyagu wax ay isku ogolaadaan in laga shaqeeyo na, tiro kooban oo cayiman wakhti la geliyay!
Maba xuma oo doodda qaarkeed baa noqon karta, ‘Inay haweenku siyaasadda ka qaybgalaan waxay keenaysaa in baahiyahooda la gufeeyo!’ Haye’e, haddiiba dhankaa laga eego waxaan isweydiiyay; sifo noocma ah ayay kaga qaybgalayan? Goortee iyo goobtee ayay wax ka qaban karaan? Ma marka la mideeyo codka haweenka ee inta ugu badan ka ah codbixiyaha wax doorta ee haweenku wax isu ogolaadaan iyagu? Mise marka la helo qaabka qoonddadan ee laysla meel dhigo ciddii haweenka metelaysay? Ma waxay innaga tahay uun, ‘Yeelkeed ciddii meteshaaba’e, aynu wax cayiman uun helno’? Waa taa abbaarta aan u socdaaye, marka qoondo loo xidho haweenka, dammaanad caynkee ah ayaa loo hayaa in aan arrinku innaga noqon ‘Anigaa u daalay oo haddana qoonddadu ii dabran tahay!’ Sidee ayay suurtogal u tahay awoodda midoobi kari wayday ee codkooda intay meel isugu geeyaan soo saari waayay haween metela haweenka (Iyagoon qoondo kooban ku qancin), inay ku heshiiyaan ‘Yaa qoondadan gelaya iyo sidee loo gelayaa?’ Igama aha inaan dedaal la sameeyay, xitaa yaanan taageersanaane, aan leeyahay; waa hal bacaad lagu lisay, xaasha! Waxase aan u arkaa in oodo dhacameed siday u kala sarreeyaan loo kala guro. Waxay iga tahay in aan berri la arag intii qoondada loo xiiqsanaa in le’eg amma ka badan iyadoo loo xiiqsan yahay oo loogu muransan yahay ‘Heblaayo ayaa haweenka metesha’ iyo ‘Annaga nama metesho!’ ‘Looma dhama’ iyo ‘Anigaa metelaya ee adigu dib u joog’ oo aanay wakhti iyo tacab kale oo wax ka badan ku qabsan karno aanay innaga gelin.  
Gunaanadkii, haddiiba aan hawlaha kala hormayntooda iyo kala horreysiintoodu suurtogal ahayn, ugu yaraan siday u kala muhiimsan yihiin ha isu dhinac socdaan.
Yaasmiin M. Kaahin
Share Button
Please follow and like us:
0