BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

Baarlamaanka Somalia oo soo saaray xeer ay dalka kaga mamnuucayaan Shirkadda DP World

Muqdisho (Berberanews)– Kulan xasaasi ah oo xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho maanta oo Isniin ah ayay ka soo saareen xeer dhowraya gobannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyaga oo dhinaca kalana ka mamnuucay shirkadda DP World in ay ka howlgasho guud ahaanba Soomaaliya.

Xeerkan ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa Shirkadda DP World inay si badheedh ah ugu xadgudubtay siyaasadda, madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya.

Hadaba Akhriso xeerka ka soo baxay Gollaha Shacabka

Qodobka 1aad

Heshiis caalami ah waxaa jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya u geli kara oo keliya xukuumadda federaalka ah ayadoo sharci ahaan loo soo marsiinayo hay’adda sharci dejinta JFS uuna madaxweynaha JFS ku meelmarinayo xeer madaxweynaha laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee JFS.

Qodobka 2aad

  1. Heshiis kasta oo lala galo dowlad ama hay’ad kaloo shisheeye, oo ka hor imaanaya dastuurka federaalka ah waa waxbo kama jiraan aanan sharciyad laheyn
  2. Heshiis kasta oo shirkadda Dubai Port World” DP world” lala galay waa waxba kama jiraan maadaama uu ka hor Imaanayo dastuurka dalka, xeerka maalgeshiga shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.
  3. Shirkadda Dubai Port World “DP World” oo si badheedh ah ugu xadgudubtay siyaadada, madaxbannaanidu midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliyaa, waxaa saas daraadeed shirkadan laga mamnuucay dalka.

Qodobka 3-aad.

  1. R/ Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya la farayaa inuu si degdeg u gaadhsiiyo xeerkan madaxa xukuumadda istutaga Imaaraadka Carabta “UAE” kuna wargeliyo iney ku kaceen falal culus oo xadgudub ku ah qaanuunka caalamiga ah oo ay ka mid yihiin kuwa kor ku xusan si badheedh ahna uga horimaanaya Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xaqa shacbiga Soomaaliyeed dowga u leeyihiin bedqabka dalkooda, ilaalinta gobonimadiisa iyo midnimada geyigooda.
  2. Waxaa kaloo la farayaa R/ wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya in uu degdeg ah baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed u hor Keeno tillaabooyinka iyo howlgallada xukuumadda ay ku ilaalneyso sareynta dastuurka iyo badbaadinta midnimada geyiga Soomaaliya.

Qodobda 4aad:

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya waxaa uu dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u istaagaan gudashada waajibka saaray muwaadin kasta oo Soomaaliyeed ee difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada qarabka

Qodobka 5aad

Xeerkan waxaa uu dhaqan galayaa marka uu ansixiyo baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ku meel mariyo xeer madaxeyne, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

Share Button
Please follow and like us:
0