Berbera News | Daily News Update

Badhasaabka Gobolka Saaxil oo beeniyay warar ku saabsan iibinta qaar ka mid ah Guryaha Dawladda ee Berbera

Hargeysa-(Berberanews)- Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa beeniyay war ku soo baxay maanta Wargeyska Jamhuuriya, kaasoo sheegayay inuu Badhasaabku iibiyay qaar ka mid ah guryihii dawladda ee magaalada Berbera.

Badhasaabka Gobolka Saaxil ayaa mar uu caawa khadka telefoonka kula soo xidhiidhay shebekadda wararka ee Berberanews, isagoo hawlo caafimaad u jooga dalka Maraykanka dhinac iskaga leexiyay  warka ku saabsan iibka guryahaas, waxaannu sheegay inuu sharciga la tiigsan doono cidii warkaas ka qortay haddii aanay wax caddaymo ah keenin.

 

“Warka ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya ee ka hadlaya Badhasaabka Gobolka Saaxil inuu guryo iibiyay, waa mid aan sal iyo raad toona lahayn oo laygaga been sheegay, waxaanay sheegeen inay warkaas ka heleen  il-wareedyo, waana inay ogaadaan inaan maxkammad la tiigsan doono oo looga fadhiyo cadaynta eedaha iyo sumcad-dilka laygu sammeeyay, aniguna ma imi dilaal guryaha kala iibiya.”ayuu yidhi Badhasaabku.

Badhasaabka Gobolka Saaxil waxa uu qiray inay jireen guryo sifo qaldan ay u iibisay xukuummadii hore xilliyaddii kala guurka, balse aanu isagu garanayn ujeedada ka danbaysa eedahaasi, “Way jiraan waxyaabo sifo qaldan xukuummadii hore cid u siisay laakiin waxaase aniga layga sheegay wax aan shaqo ku leeyahay maaha, Xummaantanina waxay daarantahay ma garanayo, Waxaan kaga hadli doonaa markay keenaan wax caddayn u ah guryaha ay sheegayaan inaan iibiyay.” Sidaa waxa yidhi Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Berberanews.

Berberanews.com

Hargeysa, office

Email,info@berberanews.com

One Response to Badhasaabka Gobolka Saaxil oo beeniyay warar ku saabsan iibinta qaar ka mid ah Guryaha Dawladda ee Berbera

  1. Ramaax waa la yaqaanaa mushaharka uu qaato xaguu ka keenay lacagta intaa leeg 450000USD oo dollar waxaase dambiga ka weyn leh oo tuug kalkaal ah Dahabshil oo lacagtaa xaaraanta ah ugu sameeyey jeeg markii la xidhayna damiintay adeer cidii doonaysa in wax ka ogaato ha la hadleen jaaliyada reer Somaliland ee Ohio,Toledo U.S.A. waa in la maxkamadeeyaa waxaase la yidhi lama xidhi karo oo Xersi Toorileh ayuu ku xidhanyahay oo xaaraanta la qaybsadaa.

    Mohamed
    February 14, 2012 at 8:25 AM

Leave a Reply