Berbera News | Daily News Update

Balanqaadkii Beenoobay Weedhii Siilaanyo Iyo Rayaalle Iyo Murugaddii Reer Sanaag.

Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa Aamin san in dib u dhaca haysta Gobolka Sanaag ay kow ka tahay Waddo la,aanta (Qalinkii Nuur Yaasiin Mirre Maxamed)

Balanqaadkii Madaxweyne Daahir Rayaalle kaahin iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u sameeyeen Wakhtigii ololha Shacabka reer Sanaag ayaa noqotay mid beenowday, waxana weedha masuul ee beenowday reer Sanaag ku qaabileen Murugo iyo Cadho, laakiin ma ka waantoobi doonaan hadalka iyo Balan qaadaydda beenta ah reer Sanaag?.

Aan ku horeeyo madaxweyne Rayaalle, Wakhtigii uu ku jirey ollolaha Madaxtinimo ee Somaliland Sanadkii 2003 dii waxa uu shacabka reer Sanaag u balan qaaday in uu u dhisi doono waddada isku xidha Sanaag iyo Togdheer balse arintani waxa ay noqotay mid beenowday, waxana ay ahayd mid uu dhamaaday Filmkeeddii beenta ahayd, waxana ay dadka reer Sanaag aamineen in Rayaalle yahay Madaxweyne Dhagax dhiga Dhismayaasha balse aan hir galin dhismihiisa.

Rayaalle oo Cagihiisa ku socdda ayaa 7 Sanno ka dib ku soo noqday reer Sanaag, waxana ay shacabiga reer Sanaag ku qaabileen Waji Cadho leh waxana ay wax ka tirsanaddeen Balanqaadkii beenoobay, balse Rayaalle waxa uu codsaday in loo coddeeyo ka dibna la siiyo fursad kale oo uu wax kaga qabto arintan, laakiin ma ay dhicin taasi, oo dadka reer Sanaag waxa ay u codeeyeen Madaxweyne Siilaanyo.

Wallow uu Madaxweyne Siilaanyo wacdarihii Rayaalle ka bidiyay ka dib markii uu balan qaaday in haddii uu kursiga uu ku guulaysto uu dhisi doono ama samayn doono waddada Sanaag iyo Togdheer, waxana uu madaxweyne siilaanyo hantiyay Xilka Madaxweyne nimo .

Xukuumaddii Siilaanyo oo xilka la wareegtay Sanadkii ina dhaafay ayaa ololaha ku gashay in ay wax ka qabanayso waddan, balse Dhowaan markii Madaxweyne Siilaanyo ku noqday dalka Waxa uu ka Dayriyay wadadaas, waxana uu sheegay inaanay xukuumaddiisu u hayn dhaqaalle ay wax kaga qabato Wadaadaasi waxana uu yidhi “ Walaalayaal Xukuumadda aan Madaxweynaha ka ahay Ma awoodi karayso dhaqaalle ay wax kaga qabto wadadaas, balse hagaran mayno inta itaalkayga ah”.

Weedha ka soo yeedhay Masuulka ayaa wax ka wacnayd in wakhtigii uu ku jirey olloaha uu runta ka sheego inaanuu wax ka qabin Karin wadddan, Shacabka reer Sanaag oo habeen iyo Maalin u taagan in ay helaan waddo ku xidha Goboladda Kale ee Dalka ayaa la diyaar ah Dhaqaalle waxana ay u baahan yihiin Maamuol Daacad ah oo haga kuna darsadda Dhaqaale maal iyo hiil,balse waxa la wadda og yahay in Xukuumadani iyo Xukuumadihii horreba ka gaabiyeen Horumarka Gobolka Sanaag, Xukuumadda Siilaanyo caadaysatay in ay horumarka Gobolka ka doorbiday Odayaal ay laaluushto.

Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa Aamin san in dib u dhaca haysta Gobolka Sanaag ay kow ka tahay Waddo la,aanta, sidda aynu ogsoonahay Wadadu waxa ay tahay Laf Dhabarka uu ku dhismo Gobol, Degmo ama Dal.

Gobolka Sanaag Oo Ah Gobol Uu Soo Gali Karo Dhaqaalle waxtar ka noqon kara dalka, ayaa cidhiidhiga iyo dib u dhucu uu ugu wacan yahay Waddo Xumadda haysta Gobolkaasi, Sidda laga war qabo gobolka waxa ku duugan kheyraad dabiici ah oo aanay la wadaagin goboladda kale ee Dalku, Sidda Beeyadda oo ah kheyraad ku duugan gobolkaasi, Dalxiiska, badda, beeraha iyo waliba banaanka oo intuba laga munaafacaadsan karro haddii loo hello waddo loo sii marro.

Balse waxa isweydiin leh haddii la hagaajiyo ama la dhiso Waddada ceerigaabo iyo Burco maxaa dalka ugu fadhiya Faa’iido? Waxa aan indhaha laga qarsan Karin in muhiimadda kowaad ay tahay Dalka oo noqonya Mid isku xidhan isla markaana faa’iidadu noqnayso is dhexgalka baahiyaha bulshadda Sidda Dhaqaalaha Dalka oo noqonya Mid Wax weyn ka tara Gobolkaasi, Dad badan oo ka faa’iideysan doona Wax soosaarka baahi ee kala Duwan ee uu lee yahay Gobolkaasi, kaa faaiideysiga Kheyraadka uu lee yahay Gobolka Sanaag iyo Arimo kale.

Dhibaatadda Soo jireenka ah ee haysta Gobolka Sanaag Waxa ka mid ah in tan iyo wakhtigii uu bilaabmay Habka Dimuqraadiga ah iyo Doorashaddu waxa Gobolka Sanaag loo doonanayay Cod Marka Ay Soo Dhow Dahay Doorashadu, taasna waxa Ay Macnaheedu Tahay Qofka Doonaya Madax Tinimo In Uu Sanaag Ku Dhaho Idin Ku Waxaad I Siisaan Cod Kiina Aniga Dhisaya Wadadaa U Dhaxaysa Burco Iyo Ceerigaabo balse nasiib daradda dhacda ayaa ah In Marka Uu Ku Guulaysto Kursiga Maxadwaynaha Uu Iloowo Balan Qaadkii Uu Ku Helay Codka Tusaallena waxa inaga Filan Rayaalle iyo Siilaanyo.

Siddee looga bixi karaa Carqaladda Waddo la,aan ee haysta Magaaladda Ceerigaabo, Siddee se looga bixi karaa Dhibaatadaas? Jawaabta Su’aashani Qofkasta way u cadahay waana marag ma doonto balse waxa ay u baahan tahay Ficil iyo Dadaal, waxana lama huraan ah in la hello Dad muwaadiniin ah kuwaas oo ka kala socdda Dhamaan Goboladda Somaliland, khaasatan Gobolka Sanaaga Iyo Togdheer kuwaas oo dhaqaalaha uga soo uuruuriya goboladda iyo degmooyinka Dalka iskuna daya habka ugu wanaagsan ee loo dhamaystiro karro waddana, waana in la hello dhaqaalle ku filan wadadaas, waxana laga heli karaa iyadda oo dhaqaalaha laga soo ururuuriyo Dhamaan Muwaadiniinta reer Somaliland Dal iyo Dibadba, Haayaddaha Deeq biyayaasha, Haayadaha Caalamiga ah, iyo Cid kasta oo wax lagu tuhmayo.

Ma dhisi kartaa wadda ceerigaabo iyo burco haddii dhamaan Shacabka Somaliland Guddo iyo dibadba ay bixiyaan Min Hal Doolar? Jawaabtaas waxa aan u daynayaa akhyaarta reer Somaliland ee akhrisanay maqaalkaygan

Waad mahadsan tihiin.

Qalinkii Nuur Yaasiin Mirre Maxamed

Email: Daalo44@gmail.com

Phone: +252 24133344

Leave a Reply