Barca Oo Ka Cadhootay In Mourinho Laga Cafiyay Ganaaxii Uu Ku Mutaystay Ishii Uu Farta Ka Geliyay Vilanova.
Spain (Berberanews Sports):- Barcelona ayaa si aad ah uga cadhootay go’aankii ay xidhiidhka kubada cagta Spain ganaaxa labada kulan uga cafiyeen Jose Mourinho ka dib markii isha uu farta ka geliyay Tito Vilanova xilli ciyaareedkii hore.
Iyadoo bilo iyo waxoogaa ay ka hadhsan tahay bilawga horyaalka cusub ee La Liga, waxaa durbaba bilowday khilaafka u dhaxeeya labada kooxood ee sida aadka ah ugu ficiltama La Liga.
Afhayeen u hadlay Barca ayaa sheegay in cafiska ay fidiyeen xidhiidhka ee ay ganaaxa kaga qaadeen ciyaartoy iyo tababarayaal inay dhaawacayso kubada cagta Spain islamarkaana ay dhiirogelineyso in lagu kaco falal anshax xumo ah.
Jose Mourinho ayaa lagu ganaaxay ka dib markii uu weeraray Vilanova oo haatan ah tababaraha Barca balse xilli ciyaareedkii horena ahaa caawiyaha Guardiola, waxaana Vilanova laftiisa lagu ganaaxay hal kulan madaama isna lagu eedeeyay inuu fal qalalaase wata ka qayb qaatay.
Si kastaba, madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta Angel Maria Villar oo markii todobaad loo doortay jagadaas bishii Febraayo ayaa cafis u fidiyay cid walba oo ganaax lahayd.
Sidoo kale waxaa ganaax laga cafiyay labada ciyaaryahan ee Real Madrid Mesut Ozil iyo Marcelo iyo weeraryahanka Barcelona David Villa oo iyagana ciyaartaas casaan qaatay.
Afhayeenka Barcelona ayaa sheegay in madaxweynaha Barca uu si aad ah uga xumaaday in xidhiidhka ay ganaaxa ka dulqaadaan Mourinho.
“Sida aan ognahay, fal qalalaase wata oo lagula kaco tababare waxa ay mudan tahay ciqaab” ayuu Freixa u sheegay website-ka Barcelona.
“Go’aankaan lama macno ah in qofkii dhibka gaystay uu yahay danbi laawe, lakiin waxa ay ku hogaaminaysaa inay aaminaan inay sii wadaan dagaalka ay ku qaadayaan dadka iyagoo aan cabsi ka qabin in la ganaaxo” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Waxa ay u tahay tusaale xun kubada cagta Spain in falkan dagaalka ah aan wax ciqaab ah la marsiinin”.
Mustafe Maxamud
kastam@berberanews.com
Hargaysa/Berberanews Sports
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18447




-
Designed by