Barcelona Iyo Valencia Oo Si Rasmi Ah Uga Heshiiyay Saxeexa Difaaca Bidix Jordi Alba.

Spain (Berberanews Sports):- Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay heshiis ay la gaadhay kooxda Valencia oo ku saabsan saxeexa ciyaaryahan Jordi Alba.

Kooxda Blaugrana ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay ciyaaryahanka difaaca bidix, waxaana ay haatan u dhaw yihiin inay  la soo gabagabeeyaan heshiis ay 14 milyan euro ciyaaryahanka kula soo wareegayaan.

Alba ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona Barcelona todobaadka soo socda, waxaana uu qalinka ku duugi doonaa heshiis shan sanno ah.

“Barcelona waxa ay ku dhawaaqeysaa maanta inay heshiis la gaadhay Valencia oo ku aadan saxeexa Jordi Alba, heshiiska waxa uu ku xidhan yahay in Jordi Alba uu tijaabada caafimaadka u maro Barcelona todobaadka soo socda” ayaa lagu yidhi warbixin ay Barca soo dhigtay website-keeda.

25 jirkaan ayaa ka soo baxay akadeemiga Barcelona, lakiin waxa uu ku guuldaraystay inuu boos ka helo kooxda koowaad ee Camp Nou waxaana uu kooxda ka tagay 2005tii.

Waxa uu ku laaban doonaa kooxdii uu ka yimid markii hore ka dib markii uu u soo ciyaaray Cornella, Gimnastic iyo Valencia.

Mustafe Maxamud

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports




%d bloggers like this: