Berbera oo laga furay Xafiis u gaar ah Gaadiidka Badda

Hargeysa(Berberanews)-Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Somaliland oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, ayaa Magaalada Berbera ka furay Waax Wasaarada Gaadiidku soo kordhisay oo maamuli doonta Gaadiidka Badda.

Munaasibada daah-furka oo lagu qabtay Magaalada Berbera, ayaa waxa ka hadlay Wasiirka Wasaarada gaadiidka Cabdilaahi Abokor iyo Taliyaha Ciidanka Badda S/G Cabdi Xirsi Ducaale, waxaanay sharaxaad ka bixiyeen muhiimada ay Waaxdani u leedahay maamulka Gaadiidka Badda iyo abuurista Shuruucda lagu maamulayo.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha S/guuto Cabdi Xirsi Ducaale, ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay aasaaska Xafiiskan oo ka caawin doona Ciidanka helida Shuruucdii lagu ilaalinayey ama lagula soconayey Gaadiidka ku goosha Badda. “annaga waxay noo tahay farxad weyn maanta oo waxaanu helnay cid noo fidisa hiil sharci. waaxdani waxay samaynaysaa Sharcigii lagu qaadayey Gaadiidka Badda, markaa aadbaan u soo dhaweynaynaa” ayuu yidhi Taliyuhu.

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay masuuliyiin ka mid yihiin Wasiirka Gaadiidka iyo Badhasaabka Gobolka Awdal.

Somaliland oo leh Bad aad u dheer oo ay ka howl-galaan Ciidamadeedu, ayaa sanadahan dambe dhanka baddaha ka samaynaysay horumar, sida Maal-gashiyada iyo abuurista Sharciyada Badda.




%d bloggers like this: