|

Blackburn Oo Uu Horkacayo Yukubu Oo Old Trafford Ku Garaacay 4-2 Kooxda Manchester United.

(Berberanews Sports):- Kooxda Manchester United ayaa iska qasaarisay fursad ayaa ilaa iyo 24 saacadood keli ku ahaato hogaanka ka dib markii guuldarro 3-2 ah ay ka soo gaadhay kooxda Blackburn oo marti ku aheyd garoonka Old Trafford.

Ciyaaryahanka reer Nigeria Yakubu ayaa hogaanka ugu dhiibay gool rigoore ahaa daqiiqadii 16aad ee ciyaarta kooxda Rovers, isaga ayaana u labeeyay kooxdiisa wax yar ka dib markii ay bilaabatay qeybtii labaad ee ciyaarta, ka hor inta aanuu Berbatov labo gool ku barbareyn 10 daqiiqo gudaheeda.

Ciyaaryahan Hanley ayaana goolka guusha u dhaliyay kooxda Blackburn dhamaadkii ciyaarta marka ay mareysay daqiiqadii 80aad, Manchester United ayaa intii karaankeeda ah isku dayday inay ugu yaraan hal dhibic hesho lakiin taasi waa ay suurtogeli weysay.

Tababaraha Blackburn Steve Keane oo cadaadis badan uu saaran yahay islamarkaana dhawaan taageero afka ah ka helay Sir Alex Ferguson ayaa guushaan waxa ay u noqon kartaa mid uu isaga fujin karo taageerayaasha kooxda Rovers oo ku baaqayay in muddo ah inuu shaqada ka tago.

Blackburn ayaa ka qastay dabaaldega dhalashadii 70aad ee tababaraha United Sir Alex Ferguson, kaasoo xitaa aan kursiga keydka soo fariisinin ciyaaryahan Wayne Rooney.

Manchester United weli hoganka ayay la heysaa kooxda Man City lakiin Manchester City ayaa berri waxa ay la ciyaari doontaa kooxda Sunderland, hadii ay bediso iyo hadii ay barbaro gashaba iyada aya keli ku noqon doonta hogaanka Premier League.

Mustafe Maxamud “Kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports

Share Button

You must be logged in to post a comment Login