Cabdikariin Xinif oo ku adkaystay inuu u ololeeyo xisbida talada haya ee KULMIYE

Hargeysa-(Berberanews)-Agaasimaha Maamulka Xisaabaadka Kumishanka Ka Hortaga AIDS-ka, C/kariim Yuusuf Xinif, ayaa dhinac iskaga leexiyey eedo ay u jeediyeen Gudida Illaalinta Anshaxa Doorahooyinka, oo ku eedayey inay  masuuliyiin ka tirsan xukumadu ku milmeen olalaha doorashada goloyaasha degaanka, waxaanay sidoo kale uga digeen isticmaalka hantida qaranka, taasi oo uu Agaasime Xinif tilmaamay in aanu jirin sharci ka hor istaagaya inuu u ololeeyo xibigiisa isla markaana aanu aheyn shaqaalaha dowlada sharciga u diidayo.

Agaasimaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hutel Xaraf ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu tilmaamay in uu isagu yahay masuul ka tirsan xisbiga Kulmiye, isla markaana aanay jirin wax loogu diido in uu ololeeyo, maadaama sharciga dalka u yaallaa u fasaxayo waxaanu yidhi, “Waxaan halkan kaga jawaabayaa go’aan ay soo saareen Gudida Anshaxa iyo Dabagalka Doorashooyinka, Guddidu waxay yidhaahdeen waxa jira masuuliyiin dawladda ah oo ku milmay xisbiyo, anigu maan fahmin arintaasi dee masuuliyiintu xisbi bay ka mid yihiin, waana waajib saaran inay xisbigooda u ololeeyaan, kuwa ololaynayaa waa kuwee inay taasi kala caddeeyaan, waxaanay ahayd inay yidhaahdaan shaqaale dawladdeed oo taasi anniga u odhanaya”. Agaasimaha Xisaabka Kumishanka Ka Hortaga IADS-ka, waxaa kaloo ka hadlayey xeerka shaqaalaha dawladda waxaanu sheegay in aanu xeerkaasi qabaneyn, “Xeerka shaqaalaha dawladdu anniga oo kale ima qabanayo,marka laga hadlayo shaqaale dawladeedna illaa madaxweynuhu waa shaqaale dawladdeed, laakiin waxa jira wax lagu kala saaro oo ah darajooyin ay shaqaaluhu leeyihiin, taasi oo lagu siiyo guno marka ay hawl gabaan, balse annaga oo kale masuuliyiin markaanu nahay waxa la diiday in lanaga jaro boqolkiiba hal (1%) oo shaqaalaha laga jaro, lana siiyo marka ay hawl gab noqdaan, markaa aan anigu maanta ka tago halka aan hayo ma yeelanayo lacagtii gunada ee hawl gabka marka uu qofku shaqada ka tago la siinayey”. Ayuu yidhi Mr Xinif] Si kastaba ha ahaatee hadalkan ka soo yeedhay Agaasimaha Maamulka ee Hay’adda Komishan ka hortagga Aafada HIV/IDS-ka ayaa ka hor imanaysa Digreetadii uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Mxamed Maxmuud Siilaanyo iyo Hay’adda Shaqaalaha Daladdu ka soo saareen inaanay Masuuliyiinta ka tirsan Xukuumaddu ku ololayn Karin Hntida Umadda iyo Gaadiidka Dawladda.




%d bloggers like this: