Cairo: Furitaanka Shirweynaha 12 aad ee Dalalka Islaamka, ajandayaasha ugu muhiimsan ee horyaalla iyo aragtida Ahmednajaad iyo Morsi ee xiisadda Mandaqadda

Cairo-(Berberanews)-Shirweynaha 12aad ee ururka dalalka Islaamka, ayaa ka furmay caasimadda Qahira ee dalka Masar, kaasoo ajandayaasha ugu waaweyn ee horyaala ay ugu muhiimsanyihiin xaaladda Syria iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-qaacidada Maqrib ee Mali ka dagaallamaya.
Madaxweynaha Senegal Macky Sall oo khudbaddiisii u danbaysay ka hor intaanu ku wareejin Madaxweynaha Masar xilka guddoomiyenimmo ee ururka Islaamka ka jeediyay furitaanka shirka, ayaa u soo jeediyay xubnaha ururku inay taageeraan madaxbannaanida Mali oo uu sheegay inay cabsi geliyeen kooxaha argagixisada oo dembiyo ka galay shacabka.
Madaxweynaha Dalka Iran Ahmadinejad, ayaa socdaalkiisii u horreeyay ku tegay Furitaanka Shirka dalalka Islaamka tan iyo intii ka dambaysay curashadii kacaanka Iran 1979, muddo afartan sano ku dhow.
Madaxweynaha Masar, Morsi, ayaa sheegay in 21 wadan oo Islaamku ka mid yihiin waddammada ugu faqiirsan adduunka, kuna dooday in laga faa’iidaysto khayraadka
Madaxweyne Morsi waxa uu tilmaamay in baahi weyn loo qabo dedaallo cilmi-baadhiseed iyo waxbarasho sare, wallaacna ka muujiyay Muslimiinta laga tirada badanyahay, gaar ahaan Muslmiinta Rohingya ee Mynmar, waxaannu madaxweyne Morsi ku baaqay wadashaqayn xoog leh iyo taageero loo muujiyo dalalkaas.
Madaxweyne Morsi waxa uu hoosta ka xariiqay in xasiloonida gobolka iyo adduunka ay sal-dhig u tahay xalka arrinta Falastiin. isagoo arrinta Syria ka hadlayna waxa uu ku baaqay in la qaato tallaabo masuulliyadi ku dheehantahay oo deg dega

Madaxweyne Nejad oo hadal kooban ka jeediyay shirka Islaamka, ayaa sheegay inay jiraan cadow ka soo horjeeda isu-imaatinka Masar iyo Iran, islamarkaana shirkani yahay mid muhiim u ah dhibaatooyinka ka jira Gobolka, gaar ahaan qadiyadda Falastiin.
Madaxweyne Nejad oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxa jira kuwo doonaya inay ka hortagaan inay isu yimaadaan labadan wadan ee waaweyn [Iran iyo Masar], inkastoo xaqiiqdu sidaa tahay dhibaatooyinku gobolku wuu u baahanyahay shirkan, gaar ahaan su’aasha ka taagan Falastiin.”
MadaxweynahaSoomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qeyb galay shirka Ururka Islaamka (OIC) ee ka furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar. waxaana weheliya raysal-wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Yusuf Aadan,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, iyo Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal.

Berberanews.com
info@berberanews.com




%d bloggers like this: