Cali-Guray oo Wasiirrada Madaxtooyada iyo Arrimaha Gudaha ku eedeeyey Dhaqammo Niman Caan ah oo Somaliland aad looga neceb yahay

Custom Search

Hargeysa-(Berberanews)- Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa ku eedeeyey Wasiirrada Arrimaha gudaha iyo Madaxtooyada Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan, inay bilaabeen dhaqammo lagu yaqaannay laba Nin oo dhulka Soomaalidu degto caan magacoodu ka yahay, isla markaana ay dadka reer Somaliland aad u neceb yihiin.

Sidoo kale Afhayeen Cali-Guray Xisbiga KULMIYE iyo Masuuliyiintiisa waxa uu ku eedeeyey abaal-darro iyo libin-diid, isla markaana waxa uu sheegay Rag KULMIYE ka tirsan oo uu ka filayey inay soo dhaweeyeen Guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee Xisbigaas Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo xubinnimada iyo xilkii uu hayeyba laga qaaday ay soo dhawayntiisa maanta uga baaqdeen baqasho ay ka qabaan Wasiirrada Arrimaha gudaha iyo Madaxtooyada Somaliland.


Afhayeen Cali-Guray waxa uu ka mid ahaa Siyaasiyiin maanta ka qaybqaatay soo dhawaynta Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo maanta dalka ku soo laabtay, ka dib markii uu hawl caafimaad muddo bilo ah u joogay dalka Ingiriiska, si loo soo daweeyo damqasho iyo dhaawacyo loogu geystay markii jujuubka lagaga saarayey shirweynihii golaha dhexe ee KULMIYE oo Hargeysa lagu soo gebo-gabeeyey 15-kii bishii April.

Waxaanu Cali-Guray madashii lagu soo dhaweeyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka sheegay inuu filayey Rag KULMIYE ka tirsani inay Saaxiibkood Cabdiraxmaan soo dhaweeyaan, isla markaana sasabaan maaddaama oo ay xilkii iyo xubinnimadii Xisbiga ka qaadeen dhaawacyana u geysteen, hase ahaatee, waxa uu ku eedeeyey Xisbigaas iyo Xubnihiisaba kuwo abaal-laawayaal ah.

Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Waxaan is lahaa Cabdiraxmaan Cabdiqaadir malaa Saaxiibbadiisii KULMIYE qaar ka mid ah ayaa halkan (madasha soo dhawaynta) iman doona, iyagoo iska illoobay wixii maalintii aynu garanayno (15/April/2012) dhacay.”

“Waayo? Ugu yaraan Saaxiibtinnimadu waa wax gaar ah oo waxaan filayay Rag ka mid ah KULMIYE inay halkan ku soo dhaweeyaan Cabdiraxmaan. Laakiin, lib-gadka iyo abaal-li’idu waa mid u gooniya Xisbiga KULMIYE. Ragga aan meeshan ka filayay maanta inay Saaxiibkoodii ay Dhabarka ka jabiyeen soo dhaweeyaan oo sasabaan, laakiin waxay ka baqayaan Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo markay is-hortaagaan sidii Inan (Gabadh) gashaanti ah ayay hanqalkooda (madaxa) hoos u rogaan.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka UDUB CalI-Guray.

“Waxyaabaha ay maanta wadaan Wasiirrada Madaxtooyada iyo Arrimaha guduhu, anigu waxaan u aqaannaa Gaanni-yeyn iyo Moorgan-nayn Ummadduna taas way ka soo dagaallantay mana aqbalayso.” ayuu yidhi Cali-Guray. Afhayeenka Xisbiga UDUB oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Ciidammadii loogu talo-galay in Argagixisada lagaga hor-tago ee amniga lagu sugo maanta Muwaaddiniinta ayey guryahooda ugu daataan!. Waxa Ciidammada maanta loo adeegsadaa kuwa ugu Karaamada iyo tixgelinta badan Bulshadda Somaliland.”

Cali Guray oo ka mid ahaa Aasaasayaashii Xisbiga maanta talada Somaliland haya ee KULMIYE, balse dhawr sano ka hor ka baxay, isla markaana ku biiray Xisbiga uu maanta ka tirsan yahay ee UDUB, waxa uu sheegay in wixii KULMIYE fool-xumada u yaqaannay markay mucaaridka ahaayeen iyagu maanta qurux u arkaan.

Afhayeen Cali-Guray oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Waxa cad in wixii KULMIYE ay fool-xumada u yaqaanneen inay maanta qurux Indhahooda u yihiin oo ay ku faanayaan, dhammaan wixii ay quruxda u yaqaanneen ee ay ka mid ahaayeen Madax-bannaanida Saxaafadda lahaa, Caddaaladdu ka mid ahayd, waxyaabahaas oo dhami waa wax u fool-xun Indhahooda.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18182

Posted by on Jul 4 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta