Home » WARARKA You are browsing entries filed in “WARARKA”

Madaxweynaha Somaliland oo Markii ugu horreysay Kulan Xasaasiya la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska

London-(Berberanews)- Ra’isal Wasaaraha Dawlada Ingiriiska David Kamaroon ayaa Maanta si gaar  ah ugu qaabilay Xafiiskiisa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” iyo Weftiga uu hogaaminayo ee Ku Sugan Magaalada London. Banaan baxa weli noociisu hore uga dhicin dalka boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu beegay xili uu Ra’isal Wasaaraha Ingiriisku isu diyaarinayay Kulan uu la [...]

February 22nd, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

Madaxweyne Siilaanyo oo horkacay kumannaan qof oo reer Somaliland oo Muddaharaad ka sameeyey London

rally2

London-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland ayaa hor-galya Kumanaan ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee Ku dhaqan dalka Ingiriiska iyo kuwo ka yimid Waddammada la jaarka ah UK, kuwaasoo maanta ka dhigay bannaan-bax ballaadhan Xafiiska Ra’isal wasaaraha Biritayn David Camaron ee Down Street ee Magaalada London . Banaan baxan ayaa ka qayb galayaashu ku muujinayaan sida aanay gorgortan [...]

February 22nd, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

Ciidammadda Ethiopia iyo Somalia oo la wareegay gacan-ku-haynta Magaalada Baydhabo

Alshabaab

Baydhabo(Berberanews)- Ciidammada taagta daran ee Dawladda Ku meelgaadhka Somalia, oo ay weheliyeen kuwo Itoobiyaan ah, ayaa si nabadgelyo ah ula wareegay maamulka iyo gacan-ku-haynta magaalada Baydhabo ee Koonfurta Somalia. Tallaabada ciidammada xulafadda ee Somalida iyo Itoobiyaanku kula wareegeen magaalada Baydhabo, ayaa la danbaysay ka dib markii ay magaalada si iskood ah uga baxeen xoogaga Al-shabaab [...]

February 22nd, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska oo sheegay inaanay dawladdiisu diyaar u ahayn inay aqoonsato Somaliland

David-Cameron

London-(Berberanews)- Ra’iisul wasaaraha dawladda Ingiriiska Mr. David Cameron, ayaa si cad u dafiray inay dawladdiisu diyaar u tahay inay aqoonsato madax-bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya, isla markaana waxa uu sheegay in ujeeddadoodu tahay inay Xidhiidh fiican la yeeshaan guud ahaanba dhinacyada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya. Isaga oo xusay inuu jaclaysanayo horumarka Somaliland. Ra’iisal wasaaraha Ingiriska [...]

February 22nd, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

Guddiga Diiwaangelinta oo sheegay inay bilaabayaan kala Reebista Ururrada Siyaasadda ee is-diiwaangeliyey

Laas-caanood-(Berberanews)- Afhayeenka Guddiga diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka Somaliland Xasan Axmed Ducaale (Macallin), ayaa daboolka ka qaaday inay dhawaan bilaabayaan kala haadinta 15 Urur-siyaasadeed oo ka soo gubay wejigii koowaad ee shuruudaha looga baahnaa. Xasan Macallin oo hoggaaminaya afar xubnood oo ka tirsan Guddiga diiwaangelinta, isla makraana shalay kormeer qiimayn ah ku maray [...]

February 22nd, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

Weriyayaal maalintii labaad ku xidhan Xarunta CID-da Hargeysa oo booqashada loo diiday iyo Maxkamadda oo u jartay Rumaan

freedom-of-expression

  Hargeysa, 21February 2012 (Berberanews)- Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan Wargeyska Ogaal iyo Maxamed Cabdi Xasan (Boosh) oo maalintii labaad ku xidhan Xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa, ayay maanta maxkamadda Degmada Hargeysa u goysay  xadhig rumaan toddoba maalmood ah. Suxufiyiintan oo Isniintii dorraad xabsiga loo taxaabay, ka dib markii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland [...]

February 21st, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

War-bixin Xiiso leh: Faahfaahin Ku Saabsan Awoodii Ciidan Ee Qaybtii 26-aad, magacyada saraakiishii u kala danbeeyay iyo Xasuuqii Somaliland ay ka fuliyeen

Taariikhdu waxbay Hagtaa dadkuna wuu haybiyaa….Waa lagama maarmaan in wax laga ogaado wixii tegay ee Taariikhda galay. Dhalinyarada iyo Jiilka soo kacayana lagu baraarujiyo oo la baro wax yaalihii keenay Halaagii, Xasuuqii iyo burburkii Somaliland iyo Somalia ka dhacay.Ciidankii Somalia ee la aasaasay markii Somalia Xornimada qaadatay, waxa ujeedadiiso ahayd in uu Difaaco dalka iyo [...]

February 21st, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

Waamaxay Duruufaha Ardayda Dugsiyada Berbera ka reebay kaalmaha hore ee Imtaxaanaadka Somaliland.? Waraysi Daa’uud Axmed Faarax

Guddoomiyaha-Imtaxaanaadka

“Berbera oo ah Magaalada dhaqaalaheedu dalka ugu sarreeyo macalin in loo waayaa waxay noqonaysaa Ceeb..” Guddoomiyaha Xafiiska Imtaxaanaadka Somaliland  Berbera-(Berberanews)- Guddoomiyaha Xafiiska Imtaxaanaadka Qaranka Somaliland Md. Daa’uud Axmed Faarax, ayaa  jawaab ka bixiyay sababaha ardayda Dugsiyada magaalada Berbera u gaadhi la’yihiin kaalmaha hore ee natiijada imtixaanka Somaliland. “Reer Berbera in badan bay I weydiiyeen sababta [...]

February 21st, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

Tirada Dad shicib ah oo maanta lagu dilay dalka Suriya

Xamas-(Berberanews)- Kooxaha u halgama xuquuqda Aadamaha ee dalka Suuriya ayaa maanta sheegay in Lix iyo toban qof lagu dilay goobo kala duwan kadib markii ciidamada qaranka ee dalkaasi ay kordhiyeen duqaymihii ay ku hayeen magaalooyinka Iblib,Xama iyo Baabul Cumar. Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadamaha ayaa intaas ku daray in shan iyo toban ka tirsan Ciidamada [...]

February 21st, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

Golaha Wakiillada Somaliland oo markii ugu horreysay Ansixiyey Laba Xeer oo Xasaasi ah,dalkana aan hore uga jirin

SAM_5672

Hargeysa-(Berberanews)- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xeerka la-dagaallanka Budhcad-badeedda iyo Wareejinta Maxaabiista, kuwaasoo aan Somaliland hore uga jirin, isla markaana ay qaar Mudanayaasha ka tirsani ansixintooda afduub ku tilmaameen. Labada Xeer oo aan hore ugu jirin ajandihii kal-fadhiga ayaa maalmihii u dambeeyay golaha la horkeenay Xeerka La-dagaalanka Budhcad-baddeeda, [...]

February 21st, 2012 | Posted in WARARKA | Read More »

120x600 ad code [Inner pages]

Marxuum Cigaal: Dardaaran



Recently Commented

  • Mohamed: Waa nasiib daro in magaaladii wadanka miisaaniyadiisa soo saaraysay macalin iyo dhakhtaro loo waayo oo...
  • Mohamed: Wuxuu yidhi horta mar marka qaarkood in la jabo ma jeceshahay inkastoo xadhiga weriyaasha aan ka xumahay...
  • Mohamed: Xersi Toorileh hadii umadii oo dhan iyo xataa beeshii reerka madexweynuhu ka dhashayba arkeen dhibaatada uu...
  • Mohamed: Ina Cabdiqadir wuxuu u markhaati furay shacabka somaliland ee la yaaban dawladan fadhiidka ah wuxuu yidhi...
  • Mohamed: Xersi Toorileh taariikhdiisa waxaynu ka ognahay markii laga eryey gudidii qabqaabada doorashooyinkii xiligii...