Home » Archives by category » WARARKA » Dibadda (Page 5)

Addis- (Berberanews)- Ururka Midowga Afrika ayaa ka codsaday dalalka awoodda leh ee dunida inay ka hortagaan khatar ay sheegeen inay kasoo fool-leedahay Kooxda Al-shabaab, iyagoo sidoo kale codsaday in la qaado tallaabooyin lagu saarayo cunno-qabateyn garoommada iyo dekedaha ku yaalla gobollada ay maamusho Al-shabaab. Kooxda Al-shabaab oo xidhiidh dhow la leh Al-Qaacida ayaa tan iyo […]

Continue reading …
Madaxweynaha Faransiiska iyo Raysal Wasaaraha Britain oo khamiista Booqasho aan La Sii Shaacin ku tagaya Libya

Paris- (Berberanews.com/AFP):-Wakaalada wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay in Ilo wareedyo aad loogu kalsoon yahay oo xukuumadaha Faransiiska iyo Ingiriiska ka tirsani ay si buuxda ugu xaqiijiyeen wakaaladooda in khamiista ay dalka libya booqan doonaan Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy iyo Raysal Wasaaraha Britain David Cameron, waxaanay wakaaladu cadaysay in socdaalkoodu ku jihaysan yahay magaalada Tripoli […]

Continue reading …
Marwo Caasha Xuseen Maraykan oo Hore isaga cashishay Guddoomiyihii Haweenka UCID ee Qaaradda Yurub oo  ku dhawaaqday inay gebi ahaanba ka baxday xisbigaas

London -(Berberanews)- Marwo Caasha Xuseen Maraykan oo hore u hayd Gudoomiyihii Garabka Haweenka Xisbiga UCID ee Qaarada Yurub. Ka hor intii aanay xilkaa iska casilin 20 Jan 2011, ayaa  sheegtay inay gebi ahaanba ka baxday xubinnimadii xisbigaa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 13 Sep 2011.    Marwo Caasha Xuseen Maraykan ayaa waxay sidaa ku […]

Continue reading …
11-ka September : Maalin Murugo Iyo Baroor-diiqi Hadhaysay Maraykanka, Madaxweyne Asad Iyo Qoyskiisuna Farxad & Damaashaad Ku jiraan!!

Washingtone, (Berberanews.com):- 11-September waxay meelo badan oo dunida ah gaar ahaan dalka Maraykanka ka tahay maalin murugo xanuun badan xambaarsan. Sida aynu in badan oo inaga mid ahii la socotana tobankii sanadood ee u danbeeyay dalka Maraykanka iyo xulafadiisu waxay maalintaa ku xusaan, dareen iyo xusuus murugo leh. Haddaba xuska maalintan ayaa dalka Suuriya ka […]

Continue reading …
Jilaagii Filimada “Spider-Man” Oo Geeriyooday

Los-Angeles, (Berberanews.com/Peoplenews):- Magaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka waxa ku geeriyooday jilaagii reer Maraykan ee Cliff Robertson, oo si wayn ugu caan baxay dunidana loogu bartay metalaadiisi aflaamta khiyaaliga u badnaa ee lagu magacaabi jiray, Ninkii Caarada, ama sida afka qalaad loogu yaqaano “Spider-Man” Filimadan oo dunida si wayn uga dhacay aadna loo daawaday aduunka […]

Continue reading …
Hogaamiyaha Golaha Ku-meel Gaadhka Libya oo Tripoli Gaadhay Iyo Gini Bisaw oo Sheegtay inay Magangalyo Siinayso Qadaafi

Tripoli, (Berberanews.com/W/Wararka):-Guddoomiyaha Golaha ku-meel gaadhka ee dalka Libya Mustafe Cabdi Jaliil ayaa maanta oo sabti ah gaadhay xarunta dalka Libya ee Tripoli, waana socodkii ugu horeeyay ee uu ku tago caasimadda dalka Libya tan iyo intii ciidamaddii mucaaridka ee dalkaasi ay magaaladaas ka xoreeyeen Qadaafi iyo ciidamadiisi. Gaadhista Mustafe Cabdi Jaliil ee magaalada caasimadda u […]

Continue reading …
11 September: Dhacdo Dunidda Gilgishay Malaayiin Qofna Noloshooda Galaafatay Oo Taban Jirsatay

“10-kaa sanadood waxa la qarxiyay caasimaddaha London, Madrid, Hargeysa, Muqdisho, Baqdaad, Islamabad, Istanbul, Riyadh, Sana, Kampala.”   New York, (Berberanews.com):- Toban sanadood ka hor 11 September ayaa wakhti subaxnimo hore waxa weeraro loo adeegsaday diyaarado lagu qaaday, magaalooyinka Washington iyo New York, waxaanay aroortaasi u ahayd dadka Maraykanka iyo caalamka intiisa kale maalin qofkii caqli […]

Continue reading …
Qadaafi Oo Nidar Ku Maray Inuu Dagaal Adag La Gali Doono Kooxaha Xukunka Ka Qabsaday Sheegayna Inuu Libya Joogo

Libya, (Berberanews.com):- Hogaamiyihii hore ee dalka Libya Colonel Mucaamar Al-Qadaafi ayaa mar kale cadeeyay in uu Libya ku sugan yahay, isla markaana nidar ku maray in dagaal adag uu la gali doono, kooxaha mucaaridka iyo gaashaanbuurta NATO ee isku kaashaday burburinta maamulkiisi sida uu hadalka u dhigay.   Colonel Qadaafi oo telefishan ku yaala dalka […]

Continue reading …
Maxaad Kala Socotaa Shuruudihii Qadaafi ku Qoran Jiray Hablihii Ilaaladiisa Gaarka ahaa?

Tripoli, (Berberanews.com):- Colonel Caa’isha Cabdi Salaan Sayid Cali oo ka mid ahayd saraakiisha sar sare ee ciidamaddii ilaalada u ahaa hogaamiyihii hore ee dalka Libya Colonel Mucaamar Al-Qadaafi ayaa waraysi ay siisay jariirada DNA (Daily News and Analysis) oo ka soo baxda dalka Hindiya, kaga warantay waxyaabo badan oo shaqadeedi askarinimo, sidoo loo xushay iyo […]

Continue reading …
Ruushka: Diyaarad Siday Kooxaha Ciyaarta Barafka Ice Hockey Team Ee Ruushka, Sweden iyo Slovenia Oo Burburtay

Moscow, (Berberanews/W/Wararka):- Kooxaha gurmadka deg dega ee dalka Ruushka ayaa ku hawlan samata bixinta iyo baadi goobka loogu jiro in dad ka bad baaday la helo diyaarad kuwa rakaabka ah oo ku burburtay gobol waqooyi galbeed ee magaalada Moscow ku yaala maanta.   Sida wakaaladaha wararka dunidu ku waramayaan diyaaradan oo siday kooxda ciyaarta barafka […]

Continue reading …