|

Chelsea Oo Shaqada Ka Joojisay 3 Ka Mid Ah Shaqaalaheeda Ka Dib Markii Dhaawac Loo Geystay Koobka Champions League.

Custom Search

England (Berberanews Sports):- Seddex xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Chelsea ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii dhaawac loo geystay koobka Champions League ee ay qaadeen bishii hore.

Mid ka mid ah dhegaha koobka uu leeyahay ayaa soo fuqday ka dib markii seddexdaan ruux ee ka tirsan shaqaalaha kooxda ay sawir isaga qaadayeen koobka si ay ugu faanaan asxaabtooda.

Inkastoo la sameeyay oo sidii hore oo kala laga dhigay, hadana xubin kale oo kooxda ka tirsan ayaa dareemay dhaawaca gaadhay koobka waxaana uu ku wargeliyay madaxda sarrsarre ee Chelsea.

Kooxda ku guuleysatay koobkaan ayaa isla markiiba koobka u qaaday meel lagu sameeyo si loo hagaajiyo dhibaatadii soo gaadhay iyadoo markii ay dhacdadan dhacday ay shaqaaluhu ahaayeen kuwa ka baxay shaqadooda.

Chelsea ayaa xaqiijisay inay qalad ku ahayd shaqaalahaas inay galaan halkaas, islamarkaana aanay fasax u haysan inay ku sugnaadaan dhismaha koobka uu yaalo marka aanay shaqada ku jirin.

Madaxa guud ee kooxda Ron Gourlay ayaa haatan wada baadhitaan la xidhiidha arintan.

Chelsea ayaa sharaf dhac u aragta arintaan ka dib wiigag ka hor markii ay ku guuleysteen koobka ugu qiimaha badan kooxaha Yurub.

Kooxaha intooda badan waxa ay koobka ku xidhaan sanduuq dhalo ah si ay taageerayaasha sawiro isaga qaadaan, lakiin Chelsea ayaa koobkaan ku soo wareejineysay xafiisyadeeda si ay u aqoonsadaan shaqada ay qabteen afarta boqol shaqaale ee kooxda ka shaqaynayay intii ay u tartamayeen Champions League.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17437

Posted by on Jun 19 2012. Filed under CAYAARAHA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta