Ciidamada Al-Shabaab ee laga qabsaday Shabeellaha hoose oo si habaqle ah ugu qaxay Nawaaxiga Kismaayo

Kismaayo-(Berberanews)- Malleeshiyada Al-Shabaab ee lagaga xoog-roonaaday deegaanno ka tirsan gobollada Soomaaliya, ayaa 24-kii sacaadood ee u dambeeyey  si habqan ah ugu sii qulqulaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta dalkaas.

Waxaa maanta illaa shalay kusoo qulqulaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose dagaalyahanno fara badan oo ka tirsan Malleeshiyada Al-shabaab, kuwaasoo la sheegay in ay ka yimaaddeen dhanka gobolka Shabeelaha Hoose oo ay muddooyinkii u danbeeyay ka socdeen dagaallo, waxaana ciidamadani ay qeyb ka yihiin ciidammadii dhawaan lagala wareegay deegaannada loo barakacay ee duleedka Muqdisho.

Ciidamadan oo ku hubeysan hubka fudfudud iyo gaadiidka nooca dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan ayaa maanta illaa shalay ku qulqulaya magaalada Kismaayo, iyadoo sidoo kale ciidamadani ay wehliyaan masuuliyiin iyo saraakiil sar sare oo katirsan xoogagga Malleeshiyada Al-shabaab.

Kooxo ka tirsan Ciidammada Malleeshiyada nabad-diidka ah ee Al-Shabaab ee gaadhay Kismaayo ayaa u gudbay dhinaca goobaha dagaalka ee deegaanka Xayo iyo geesta Degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Malleeshiyada Al-Shabaab weli kamay hadal qaxa iyo barakaca ku dhacay iyo habqanka ay ku tagayaan deegaannada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose. Malleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka tirsan Shabakadda Al-Qaacida, ayaa laga saaray degmada Af-gooye ee Shabeellaha hoose oo ka mid ahayd fadhiisimmada ugu muhiimsan ee ay Al-Shabaab degganayd iyo deegaanno hoos-taga toddobaadkan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.




%d bloggers like this: