Ciidammada Bileyska oo ku hawlan baadhitaanka gaadhi la jiidhsiiyay Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa iyo Garsoore Maxkamadeed oo dhaawacyo qaba
Hargeysa-(Berberanews)-Ciidammada Bileyska Hargeysa, ayaa xabsiga u taxaabay laba nin oo barqadii shalay gaadhi jiidhsiiyay Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Yuusuf Sanjeex iyo Guddoomiyihii hore ee maxkamadda Gobolka Saaxil Cismaan Ibraahin Fanax oo haatan ka tirsan Garsoorayaasha Maxakamadda Gobolka Hargeysa.
Dhacdadan oo abaaro 12kii duhurnimmo ee shalay ka dhacday wadada u dhaxaysa Maxkamadda Gobolka Hargeysa iyo Xafiiska Xeer-ilaalinya Qaranka, ayay goobjoogayaal ku sugnaa markii falkaasi dhacay u xaqiijiyeen shebekadda Berberanews.com in laba nin oo gaadhi Grande ah wataa intay dhaafeen ka dibna dib ugu soo baxeen oo jiidhsiiyeen Xeer-ilaaliyaha Gobolka Hargeysa Yuusuf Sanjeex iyo Garsoore Cismaan Ibraahin oo ka soo baxay wakhtigaas Xafiiska Xeer-ilaalinta.
Si aanu xogo dheeraada uga helo dhacdadan waxaannu wax ka weydiinay Garsoore Cismaan Ibraahin Fanax oo shebekadda Berberanews khadka telefoonka kula xidhiidhay oo xaqiijiyay jiritanka dhacdadan , haseyeeshee waxa uu Garsoore Fanax ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraada ka bixiyo, isagoo ku gaabsaday inaay arrintan gacanta ku hayaan ciidammada baadhista dembiyada oo aanu ka hor dhacayn.
“Way jirtaa arrintaasi, mana jecli inaan ka hor dhaco, waxaa gacanta ku haya ciidammada baadhista dembiyada, mana garan karo ujeedo ay lahaayeen.”sidaa waxa yidhi Garsoore Cismaan Ibraahin Fanax.
Garsooraha oo aanu wax ka weydiinay inay wax dhibaati ahi ka soo gaadhay arrintaas, ayaa sheegay inay dhaawacyo fudud ka soo gaadheen Misigta iyo feedhaha, halka uu Xeer-ilalaiyuhuna wax ka qabo misigta, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaan wax ka qabaa misigta iyo feedhaha Xeer-ilaaliyuhuna wuxuu qax ka qabaa misigta.”
Warku waxa uu intaa ku daray in ciidammo bileys ah oo ka ag dhawaa goobta falku ka dhacay gacanta ku dhigeen gaadhiga iyo laba nin oo watay, una gudbiyeen Xarunta baadhista dembiyada ee CID-da, kuwaasoo gacanta ku haya baadhitaanka kiiskan.
Berberanews.com
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18186



-
Designed by