Ciidammada Booliska RRU-da oo rasaas ooda kaga qaaday Dalxiisayaal doonayay inay ku dabaashaan Xeebta Batalaale ee Magaalada Berbera
Berbera-(Berberanews)-Ciidammada Bileyska sida gaarka ah u tobabaran ee RRU-da oo kaashana bileyska Berbera, ayaa rasaas ooda kaga qaaday gelinkii danbe ee maanta boqollaal dalxiisayaal ka kala yimi Gobollada Somaliland iyo magaalada Berbera oo damacsanaa inay ku dabaashaan Xeebta Batalaale.
Sida uu Berberanews u xaqiijiyay Cavbdirisaaq Cabdillaahi oo goobjooge ahaa ciidammada RRU.-da ayaa rasaas huwiyay boqollaal gaadiid iyo dadweyne dalxiisayaal ah oo u soo dabaal-tegay Xeebta Batalaale, ka dib markii ciidammada bileysku xidheen guud ahaanba Xeebtaas oo ay u diideen dalxiisayaashu inay ku dabaashaan, kuna wargeliyay inaan cidna loo ogolayn inay ku dabaashaan inta ka horraysa afarta galabnimmo, islamarkaana qofkasta laga doonayo inuu bixiyo lacag shan kun oo Somaliland shilling ah, haseyeeshee waxa arrintaa ku gacansaydhay boqollaal dalxiise oo ku hunguubay goobtaas, kuwaasoo sawaxan iyo buuq sababay in ciidammadu rasaaseeyeen ku sammeeyay goobta.
“Guud ahaanba waxa gaaf-wareegaya Batalaale oo gacanta ku hayay ciidammada RRU-da iyo bileyska magaalada oo noo diiday inaany galo Xeebta oo aan keenay dhallinyaro aanu isku qoys nahay oo u soo dalxiis tegay, waxaanay askartu nagu wargelisay inaan cidna loo ogolayn inta ka horaysa afarta galabnimmo, islamarkaana uu qofkastaa bixin doono shan kun oo Somaliland shilin ah, markay dalxiisayaashu diideen ammarka bileyskana, ciidammadu rasaas bay nagu eryadeen.”ayuu yidhi Cabdirisaaq Cabdillaahi oo khadka telefoonka ugu waramayay Berberanews.com
Iskuday aanu la sammaynay maamulka gobolka iyo Taliyayaasha ciidammada bileyska si aanu dhacdadan wax uga weydiinno ayaan noo suurtagelin telefoonadooda oo xidhnaa awgeed.
Wixii warar ka soo kordha kala soco Berberanews.com
Berberanews.com
Berbera, Saaxil region
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19776



