|

Ciidammada Booliska Somaliland ee magaalooyinka waaweyn oo heegan buuxa la geliyey xalay iyo tirada Dad Al-shabaab lala xidhiidhiyey oo la qabtay

Hargeysa/Boorama/Burco(Berberanews)- Ciidammada Booliska Somaliland ee magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Burco, ayaa xalay heegan buuxa la geliyey, ka dib markii ay Ciidanka ammaanka Boorama habeen-hore gacanta ku dhigeen laba nin oo lala xidhiidhiyey inay ka tirsan yihiin Malleeshiyada nabad-diidka ah ee ka dagaalladanta dalka Soomaaliya.

Labadaas nin oo ciidanka Booliska magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal Xabsiga u taxaabeen, ka dib markii sida ay Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen xubno Booliska ka tirsani, labada nin oo dhalasho ahaan reer Somaliland ah, ayaa lagu tuhunsan yahay xidhiidh dhaw oo sida la sheegay ay la leeyihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo markii la qabtay ka dib heegan buuxa la geliyey Ciidammada ammaanka Somaliland ee magaalooyinka waaweyn sida Burco, Hargeysa, Boorama iyo sidoo kale ciidammada ku sugan xuduudaha kala duwan ee dalka.

Ma jiro war rasmiya oo dhinaca dawladda ka soo baxay oo sharraxa ama faahfaahin dheeraada ka bixinaya xaaladda soo korodhay iyo dareenka heeganka Ciidanka la geliyey, hase ahaatee, ila-wareedyada Ogaal soo xiganayaa waxay tibaaxeen in heegankaasi la xidhiidho mid amniga dalka lagu sugayo, isla markaana lagaga hortagayo cid kasta oo cadaw ku ah Somaliland oo isku-dayi karta tallaabbo nabadgelyada wax u dhimi kara.

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka Somaliland, ayaa xalay suuqyada iyo waddooyinka magaalada lagu arkayey Ciidammo fara badan oo Boolis ah oo Rag iyo Haween isugu jiray, kuwaasoo si weyn ammaanka u sigayey, isla markaana si weyn u baadhiyey noocyada kala duwan ee Baabuurta magaalada dhexmaraysay oo Gawaadhida yar-yar illaa albaabbada dambe la furayey.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidammada ammaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa mar kasta oo xaalad ammaanka waxyeeli karta ay dareemaan heegan buuxa iyo hawlgallo ay ammaanka dadkooda iyo dalkooda ku sugayaan ka fuliya inta badan magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa oo isgoysyada waddooyinka aad loogu baadho Baabuurta, iyada oo mar kasta oo sidaas oo kale ay Boolisku sameeyaan dadweynaha Caasimaddu is-weydiiyo, waxa soo kordhay ee hawlgallada dheeraadka ay Ciidanka ammaanka sababay.

Xigasho Wargeyska Ogaal.

Saaxibadaa Twitter ug gudbi warbixinta



--------------------------


Short URL: http://www.berberanews.com/?p=11522

Posted by on Feb 8 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply



Recently Commented

  • Abdilahi Jama mire: Berberi wax go’ lagu qaado ka weyn, haddii lawada dheefayo ok haddii kale maya
  • Berberaawi: Alaylehe qalinkaaga khadku kama dhamaado waar odayaashan magac baad u heshay xarago waxaa la ogaa ama la...
  • Cabdiraxman: Kuwani Salaadiin maaha ee waxa la yidhaa DHAAMEEL KA DHURSUGAYAAL markaa dhaameelkooda ha iska qaataan...
  • sahan: Asc waxaa aad layaab u leh werrshadani miyaamay hanti qaran ahayn, ma waxay somaliland oo dhani raali ka tahay...
  • yuniz: SXB, Qalinkaagu Khadku kama dhamaado

Gacal Store