Ciidammada Booliska Somaliland oo ka hadlay hawlgallo ay dad ku xidhxidheen

Hargeysa,(Berberabews) – Ciidammada Booliiska Somaliland, ayaa ka warramay Hawl-gallo kala duwan oo ay Habeennadii u dambeeyay ku soo qab-qabteen Tiro Dad ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay Gacmaha kula jireen Falal Lid ku ah amniga Qaranka Somaliland.

Shir-jaraa’id oo ay Shalay Magaalada Hargeysa ku qabteen Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle iyo Afhayeenka Ciidammada Booliiska Faysal Xiis Jaamac, ayaa waxay kaga warrameen Hawl-galladaasi oo midkood Habeen hore lagu soo qabtay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan-Sunne) oo ka mid ah Culimada Hargeysa, isla-markaana lagu eedeeyay inuu ka been Abuuray Falalka lagu eedeeyay Dad Ciidammadu qab-qabteen Maalin ka hor Ciiddii Carrafo.

Taliyaha Ciidammada Ilaalada Waddooyinka Somaliland, ahna Afhayeenka Ciidammada Booliiska Faysal Xiis Jaamac oo ugu horreyn Shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey Hawl-galka lagu soo qab-qabtay Koox uu sheegay inay Tababbar Ciidan ku qaadanayeen Duleedka Koonfureed ee Magaalada Hargeysa waxaanu yidhi “Ciidammada Booliisku waxay Gacanta ku soo dhigeen Koox Maleegaysay Arrimo khatar ku ah Amniga Qaranka iyo Shacabka Somaliland, kuwaasi oo meesha la yidhaahdo Uubaale oo Koonfur kaga beegan Magaalada Hargeysa ku qaadanayey Dab-rid, dhammaantoodna waalla soo qabtay, waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh.”

Afhayeenka Booliisku waxa kale oo uu faahfaahiyey Hawl-gal Ciidanku habeen hore gurigiisa kaga soo qabteen Sheekh Aadan-Sunne “Xalay (Habeen hore) oo Bishu ahayd 6, waxa Ciidanka Booliisku Hawl-gal ku soo qabteen Wadaadka la yidhaahdo Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan-Sunne), kaasi oo khatar ku ah Amniga Qaranka iyo Shacabkaba.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Aadan-Sunne oo Gurigiisa laga soo qabtay uu iska Caabbin kala hor-tagay Ciidanka “Aadan-Sunne wuxuu Iska Caabbin Xooggan kala hor-yimid Ciidanka,  ka dib markii uu soo abaabulay Kooxo iskugu jira Rag, Dumar iyo Dhallinyarada Kooxda loo yaqaanno Himilo, kuwaasi oo Ciidanka kala hor-yimid Dagaal Xooggan.”

Afhayeenka Booliisku wuxuu sheegay in Sheekh Aadan-Sunne uu Maalintii Ciidda Carrafo uu Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeisa Stadium ka jeediyey Hadallo kicin Dadweyne ah “Wadaadkani wuxuu Maalintii Ciidda uu Garoonka Hargeysa Stadium uu Dadweynaha kula hadlayey Hadallo kicin ah, isagoo ka been sheegaya Xaqiiqada dhabta ah ee Kooxda Dab-ridka samaynaysay ee la soo qab-qabtay, kuwaasi oo uu isagu masuul ka yahay, wuxuu ku andacoonayey waalla iska soo xidhay (Kooxda Dab-ridka samaynaysay) oo waa bilaa dambi.”

Sheekh Aadan-Sunne, ayaa intii aan la qabanin wuxuu ka hadlay Ragga Ciidanku sheegay in la qab-qabtay iyagoo Dab-rid ku samaynaya Koonfurta Hargeysa, waxaanu sheegay in Ciidanku qabteen Dad aan dambi lahayn oo reer Baydhabo ah “Waxaan maqlayey Lix Nin oo Reer Baydhabo ah oo Masaakiin ah oo la garanayo in la dulmiyey oo bilaash Jeelka loogu shubay, iyadoo wax lagu haystaa aanay jirin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray Sheekh Aadan-Sunne in Ragga Ciidanku xidhay ee uu sheegay inay Reer Soomaaliya yihiin aanay wax dhibaato ah ku haynin Somaliland “Waxaan ku dhaaranayaa kuwa imika xidhan, Shiddo ay Dalka ula maqan yihiin, oo ay Diinta ula maqan yihiin, oo ay Dawladda ula maqan yihiin oo ay Cid kale la maaggan yihiin in aanay jirin.”

Share Button
Please follow and like us:
0