Ciidammo ka goostay Dawladda Syria oo magangelyo weydiistay Dalka Turkiga

Custom Search

Syria-(Berberanews)-30 askari oo ka mid ah ciidammada Milateriga ee dalka Syria iyo qoysaskooda, ayaa u baxsaday dalak ay deriska yihiin ee Turkiga oo ay weydiisteen magangelyo qaxoontinimmo.

 Ciidammada ka goostay Syria oo ay ku jiraan laba korneyl iyo sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidammada qalabka sida ee Syria, ayaa xalay ka gudbay xadka labada dal wadaagaan, halkaasoo lagu qaabilay xero qaxoonti oo ku taal xuduudka.

Tan iyo intii kacdoonka lagaga soo horjeedo xukunka Madaxweyne Asad ka bilaabmay dalka Syria waxa baxsaday 12 jeneral oo ciidammada ah, kuwaasoo hore u tegay dalka Turkiga ee ay deriska yihiin, waxaannay arrintani ku soo beegmaysaa xilli xiisad hor leh dhextaal labada dal, ka dib markii Syria dhulka dhigtay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Turkiga oo ay ku andacootay inay xadkeeda soo gashay.

Dawladda Turkiga oo ay saaxiibo dhaw ahaan jireen Syria, waxay maanta  isugu yeedhay shir deg deg ah NATO, ka dib markii ay ku eedaysay Syria inay si ula kac ah u soo riday mid ka mid ah diyaaradaheeda dagaalka oo ay sheegtay inay xilligaas maraysay biyaha caalamiga ah.

Berberanews.com

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17758

Posted by on Jun 25 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta