|

Clarence Seedorf Oo Maaliyada No 10 Ku Wareejiyay Ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic.

Custom Search

Italy (Berberanews Sports):- Zlatan Ibrahimovic ayaa noqon doona milkiilaha cusub ee funaanada No’10 ee  Milan ka dib bixitaankii Clarence Seedorf.

Arintaan ayaa la xaqiijiyey ka dib Toban sanadood oo uu joogay San Siro, isagoona ka niyad jabsan Lambarkii uu xidhan jiray.

“Funaanada No’ 10 waxaa xidhan doona Ibrahimovic,” ayuu u sheegay Diavolo madaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Galliani maanta.

Seedorf ayaana yidhi: “Weligay ma weydiisan No’10, waxaan ka dhaxlay Manuel Rui Costa. Laakiin waxaan la hadlay Ibra waxaana u sheegay inaan ku faraxsanahay hadii isaga loo dhiibay wuuna u qalmaa.”

Ciyaaryahanka reer Sweden ayaa xidhnaa No’11 xilli ciyaareedkii 2011-12.

Dhinaca kale Galliani ayaa amaan ku sogootiyay ciyaaryahanka sii baxaya kaasoo ay kala soo wareegeen kooxda ay Milano ku xafiiltamaan ee Inter 2002dii

“Waa ciyaaryahan ku guuleystay afar koob oo Champions League ah,” ayuu ku daray

“Wuxuu kula guuleystay Ajax, Real Madrid iyo labo uu la qaaday Milan,laakiin sidoo kale qeyb ayuu ka qaaday koobkii Real ka hor inta aanuu ku biirin Inter”.

Mustafe Maxamud

Kastam@berberanews.com

Hargaysa/Berberanews Sports

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17587

Posted by on Jun 21 2012. Filed under CAYAARAHA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta