Cuqaasha Beelaha Gobolka Maroodi-jeex oo taageeray qodobbada ka soo baxay Shirkii Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya
Hargeysa-(Berberanews)- 14 xubnood oo ka tirsan Cuqaasha Beelaha reer Somaliland ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa kulan ay maanta isugu yimaaddeen oo lagu qabtay Huteel Dalxiis ee magaalada Hargeysa waxay si buuxda ugu taageereen shirkii wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland ee Ingiriiska lagu soo gebo-gabeeyey Khamiistii inna dhaaftay iyo heshiis siddeed qodob ka kooban oo ay labada dhinac si wada-jir ah uga soo saareen gunaanadkii shirkaas.
14 kan Caaqil waxa ay shirkoodan Jaraa’id ku sheegeen inay xukuumadda uu Hoggaamiye Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ay horumar ka samaysay siyaasadda dibadda isla markaana ku dhiiratay inay la garnaqsato oo ay wada hadal la yeelato dawladdii ay xornimadeeda kala soo noqotay 21 sanadood ka hor.
Caaqil Baashe Cismaan Yuusuf oo ugu horayn ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa weftigii Somaliland uga qeyb galay wada hadalkii ku dhex maray Somalia dalka Ingiriiska ku sifeeyay tallaabo weyn oo ay xukuumaddu u marayso jidkii ay ku kasban lahayd aqoonsi caalami ah.
“Waxa maanta halkan iskugu yimid cuqaasha gobolka Maroodi-jeex waxaanan halkan baaq taageero ah ugu diraynaa xukuumadda Somaliland oo qaaday talaabo wanaagsan . waxaanu soo dhawaynaynaa oo taageeraynaa talaabadda horumarka leh ee ay kaga qeyb gashay shirkii London ee ay Somaliland isku soo xor fadhiisteen dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya iyagoo ah laba qaran oo siman,”ayuu yidhi Caaqil Baashe Cismaan.
Chief Caaqil Maxamed Xirsi Dawri oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku diirsadeen isbedelka ay xukuumadda Somaliland ku dardar-gelisay siyaasadda dibadda Somaliland isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaanu taageeraynaa isbedelka iyo dar-dar gelinta xukuuamadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay ku samaysay siyaasadda dibadda. Xukuumadihii hore ee dalka soo maray way ka baqan jireen in Soomaaliyaba la soo hadal qaado. Adduun weynaha ayaa keenay go’aanka ah inay wada hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana lagu xidhay aqoonsigeenii.”
“Waxaan Madaxweynaha Somaliland ku hambalyaynayaa dhiirashadda iyo geesinimadda uu sameeyay ee uu ku dhiiraday inuu qaado talaabo weyn oo uu ku xaqiijinayo madax-banaanida Somaliland. Wuxuu madaxweynaheenu gartay in danta Somaliland ku jirto Soomaaliya oo lala hadlo oo lala garnaqsado oo la yidhaahdo waar aynu inagoo walaalo ah noqono laba dawladood oo jaar ah oo walaalo ah,”ayuu yidhi Chief Caaqil Maxamed Xirsi Dawri.
Caaqil Sh. Daahir Xuseen Cigaal oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa isaguna dhambaal hambalyo ah u diray weftigii Somaliland uga qeyb galay shirkii gogol xaadhka ahaa ee ay yeesheen Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu ku tilmaamay geesiyaal qaran oo iib-geeyay qadiyadda Somaliland.
Sidoo kale,waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Caaqil C/Raxmaan Xasan Xoore, Caaqil Jaamac Badde Cabdi, Caaqil Cabdilaahi Aw Cali, Caaqil Jaamac Caarre Samatar, Caaqil wali Aw Ciise, Caaqil Maxamed Xaashi Axmed, Caaqil Abshir Yuusuf Cabdi iyo Caaqil Jaamac Cabdi Axmed, Caaqil Aadan Cismaan Yuusuf.
Si kastaba ha ahaatee, shirkaa Bariga London ku qabsoomay toddobaadkii hore ayaa nonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay Somaliland iyo Soomaaliya ku wadahadlaan tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday gooni-isu-taaggeeda ay Soomaaliya kaga go’day, waxaanu shirkan iyo qodobbada heshiiska ka soo baxay u muuqdaan kuwo taageero badan ka helaya qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Somaliland, sida Madaxda Dhaqanka, Aqoonyahanka, Ururrada Bulshada rayidka ah iyo Inta badan siyaasiyiinta reer Somaliland, kuwaasoo si is-daba-joog ah u wada baaqyo ay ku taageerayaan shirkaan tan iyo markii Khamiistii toddobaadkii hore la soo gebo-gabeeyey shirkaas.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17769



-
Designed by