Dabaaldegga 22 guuradda midnimmadii Koonfurta iyo Waqooyiga Yemen oo ay dhaceen qaraxyo askar badani ku dhinteen.

Yemen-21-May-2012-(Berberanews)-Kooxda Mayalka adage e Al-qaacida, ayaa dusha u ridatay masuuliyadda weerar ismiidaamin qaraxyo ah oo ka dhacay badhtamaha caasimadda Yemen ee Sacna, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 100 askari.

Qofka weerarka soo qaaday wuxuu gashanaa dharka ciidanka, wuxuuna isku qarxiyay askar ku jirtay tijaabo dhoolatur military, Xukuumadda ayaa sheegtay in in ka badan laba boqol oo askari ay ku dhaawacmeen markii bomb-ku uu qarxay fagaare u dhow aqalka madaxtooyada.

Madaxweynaha Dalka Yemen Abd-Rabbu Mansour, ayaa hore u iclaamiyay maalin qaran oo loo sammaynayo dabaaldegga 22 guurada ka soo wareegtay midnimmadii dhexmartay Waqooyiga iyo Koonfurta Yemen.

Warar dheeraada oo ka soo baxaya qaraxa ka dhacay Yemen, ayaa sheegaya inay dhimashadu sii kordhayso.

 

Berberanews.com

info@berberanews.com

 




%d bloggers like this: