Dabaysha Isbedel-doonka oo gaadhay Sudan iyo Ciidammada oo gaas u adeegsaday kumannaan mudaharaadayaal ka soo horjeeda xukunka Bashiir
Khartum-(Berberanews)-Ciidammada booliska ee Waqooyiga Sudan, ayaa gaasta dadka kaga ilmaysiisa u adeegsaday kumannaan mudaharaadayaala oo manta isugu soo baxay caasimadda Khartum, kuwaasoo ka soo horjeeda xukummadda Madaxweyne Bashiir.
Mudaharaadayaashu waxay ku dhawaaqayeen erayo ay kaga soo horjeedaan xukunka mudada dheeraaday ee Madaxweyne Bashiir oo muddo 3sanno ah xilka haya ka dib markii uu afgebi ku qabsaday dalkaas. Sidoo kale waxay ku dhaqaaqeen weedho ay ku diidanyihiin sixir-barar hor leh oo soo foodsaaray shiidaalka iyo cunnada.
Dalka Sudan waxa uu xad la leeyahay wadammada Libya iyo Masar oo labadoodaba uu ka dhacay isbedel kacdoonno ay reer galbeedku taageereen oo xukunka lagaga tuuray xukuummadihii mudada dheer ka soo talinayay.
Berberanews.com
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17951



-
Designed by