Dad ku dhintay Mudaharaad taageerayaasha Waddani dhigeen Natiijada Codbixinta ka ho

Burco(Berberanews):- Ugu yaraan Hal Qof oo Shicib ah ayaa geeriyooday, dhawr kalena way dhaawacmeen, ka dib markii ay Ciidammada Booliska magaalada Burco Rasaas nool kala hor-tageen Taageerayaal Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ka tirsanaa oo Muddaharaad ka sameeyey magaaladaas Fiidkii Caawa, ka dib markii galabta ay si rasmi ah u shaaciyeen Xubnihii Xisbigaas u qaabbilsanaa la shaqaynta Guddiga doorashada inay joojiyeen la shaqayntii Komishanka, ka dib markii ay sheegeen inay Cabasho iyo Dacwado ay u gudbiyeen dhegaysan waayeen.

Guddiga Heer Qaran ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ee u qaabbilsanaa la shaqaynta Guddiga doorashada Somaliland ee doorashada Madaxtooyada ee 13-kii bishan dalka ka qabsoontay, ayaa Shir Jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen Hargeysa ku soo bandhigay Waraaqo Foojari ay ku sheegeen oo ay Xisbiga talada haya ee Kulmiye ku eedeeyeen inuu ku shubtay doorashada deegaanno ka tirsan gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil, isla markaana Dacwadihii ay u gudbiyeen Guddiga doorashooyinka ay ka aammuseen oo ay ka jawaabi waayeen, waxna ka qaban waayeen Cabashooyinka Xisbiga Waddani Sanaaduuqda qaar ka qabo.

Waxay taasi sababtay inay Bannaan-baxyo Rabshado watay caawa ka dhacaan Hargeysa iyo Burco oo Dhawaaqa Rasaasta Boolisku ridayey laga maqlo koonayayaasha magaalooyinkaas. Xaafadda New Hargeysa, Dad bannaan-baxayaal ah oo ku dhawaaqayey inaanay Cadaalad-darro iyo Ku-shubasho doorashada Xisbi ku shubto aqbalayn ee ay dalbanayaan Cadaalad iyo inay Guddiga doorashadu dhex-dhexaad noqoto. Sidoo kale, Burco ayey isugu soo baxeen Dad badan oo sheegay inay Taageerayaasha Xisbiga Waddani ka tirsan yihiin, isla markaana ku cabanayey inaanay aqbalayn Ku Shubasho Codkooda lagu wiiqo.

Hase-yeeshee, Dadkaas oo Dhagax-tuur meelaha qaar ku sameeyey sida ay BBC-du sheegtay, ayey Ciidanka Boolisku Rasaas nool kala hor-tageen, isla markaana waxa halkaas ku dhintay Hal Qof, Dhawr Ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, sida ay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo soo xiganaysay Badhasaabka gobolka Togdheer caawa baahisay.

Geesta kale, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Musharraxa Madaxweyne ee doorashada ugu tartamay Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo isna Caawa Warbaahinta qaar kula hadlay Hargeysa, ayaa shegay inuu aqbalayo natiijo xalaal ah, balse aanu aqbalayn Cod xaaraan ah, sida uu hadalka u dhigay. Waxaanu Amray dhammaan Hawl-wadeenna Xisbiga Waddani ee Guddiga doorashada la shaqaynayey joojiyaan la shaqaynta inta ay Guddiga doorashadu si sax ah uga jawaabayaan Cabashada iyo Dacwadaha Xisbiga Waddani u gudbiyey ee ay Dhagaha ka furaysteen. Waxaanu Taageerayaasha Waddani ugu baaqay inay nabadgelyada iyo kala-dambaynta ilaaliyaan oo aanay wax rabshado iyo bannaan-baxyo ah samaynin.

Hase-yeeshee, Guddiga doorashada Somaliland oo BBC-du arrimahan iyo iska dhego-tirka Cabashada Xisbiga Waddani wax ka weydiisay, ayaa ka gaabsaday inay wax Jawaab ah ama faahfaahin ah ka bixiyaan waxa dhacaya iyo eedaynta Xisbiga Waddani u jeediyey, sida ay Caawa faafisay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du.

Share Button
Please follow and like us:
0